Posts

Hay’adda lacagta aduunka IMF oo diiday inay lacag amaahiso dowladda federalka Soomaaliya


Hay'adda Lacagta Aduunka Ee IMF ayaa Maanta shaacisay in ay ka hortimid dalab dowladda Somalia ka yimid oo ahaa in Ha'addaasi ay lacago amaahiso Soomaaliya.

Warbixintan oo ka soo baxday hay'adda IMF ayaa lagu sheegay in Somalia iminka lagu leeyahay lacag gaareysa 328 Million oo dollarka Mareykanka ah lacagahaasi ay waqtigii ay dagaalada ka socdeen Somalia ay amaahisay.

Madaxa guud Ee hay'adda IMF Rogerio Zandamela ayaa sheegay in haatan dowladda Soomaliya aanay lacago cusub amaahin karin isaga oo xusay in dowladda Somaliya looga baahan yahay in dib u soo celiso lacagaha deeymaha ah oo lagu leeyahay Waxa uu sheegay in kororka dhaqaalaha Soomaaliya uu kobcay bilihii la soo dhaafay isaga oo sheegay in guud ahaan lacagaha lagu leeyahay ay badankood ku bixiyeen howlgalka AMISOM Ee Somalia.

Lacagahaasi la amaahiyay Dowlada Somalia ayaa lagu deeqay Wadamada Ugandha, Burundi, Kenya kuwaasi oo qeyb kamid ah howlgalka AMISOM Ee Somalia.

Ma jirto ilaa iyo iminka wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan diidmadaan ka timid ha'yadda IMF.

BAARGAAL.NET
ISHA WARARKA HORUMARKA CALBARI
email:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain