Isimadda Gobalka Ceyn oo kulan soo dhaweyn ah magalada Buuhoodle ugu sameeyay wasiirka Haweenka Puntland Anisa C/qaadir Xaaji Muumin oo halkaasi gaartay

Isimadda Gobalka Ceyn ee Puntland ayaa kulan soo dhaweyn ah magaalada Buuhoodle ugu sameeyay wasiirka Haweenka iyo arimaha Qoyska Puntland Anisa C/qaadir Xaaji Muumin oo halkaasi gaartay.

Garaad Saleebaan Buraale iyo Suldaan Siciid Cismaan oo kulanka soo dhaweynta ah ka hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin wasiirka Horumarinta Haweenka iyo qoyska Puntland oo booqasho ku timi Buuhoodle waxayna sheegeen inay la shaqayn doonaan intay joogayso magalada.

Wasiir anisa ayaa waxaa ay Kormeer ku tagtay xarumo muhiim ah oo ku yaala degmada Buuhoodle sida Xarumaha Dawlada iyo goobaha Waxbarasha ee Buuhoodle,waxaana ay u kuurgashay baahiyaha bulsho ee ka jira degmada.

‘’Waxaan tagnay saddex goobood oo kala ah xarun hadda la dhisayo oo loogu tala galay Agoomaha oo aan Carruur badan kula kulanay,baahiyaheeda ayaan ururinay,waxaan la kulmay Salaadiinta,waxaan kaloo tagay laba goobood oo ku wajahan hormarinta Haweenka’’Ayay tiri Wasiirka haweenka iyo arrimaha qoyska oo Saxaafadda shir Jaraa’id ugu qabatay Buuhoodle.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo arrimaha qoyska puntland Anisa Cabdul Qaadir Xaaji Muumin ayaa sheegtay in dadweynaha Cayn ay ka go’an tahay hormarinta Gobolka,waxayna xustay in Dawlada Puntland ay door wayn ka qaadan doonto hormarinta Gobolka Cayn.

kormeerkan ayaa wuxuu qeyb ka yahay kormeero wasiir Anisa Gobalada puntland ku maraysay si looga war qabo xaalada Haweenka.


BAARGAAL.NET
ISHA WARARKA HORUMARKA DEEGAANADA CALBARI
EMAIL: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain