Posts

Lacago been abuur oo lagu faafiyay suuqyada Puntland iyo dowladda Puntland oo aan weli ka hadlin lacagahaas

Lacago shilin Soomaali ah oo cusub ayaa todobaadkan si xawli ah ku soo galay suuqyada ganacsiga ee puntland sida ay xaqiijiyiin ganacsato badan oo ka shaqaysta suuqyadaasi.

Ilaa iyo hadda lama garanayo qaabka ay lacagtaan kusoo gashay suuqyada puntland iyo cida soo galisay.

Culimada Puntland ayaa todobaadkii lasoo dhaafay digniin ka bixiyay Lacagtaan haddii aan la xakamayn inay keeni karto sicir barar xoogan oo saamayn ku yeesha nolasha dadka.

Dowladda Puntland oo aan weli ka hadlin lacagahan ayaa shacabku aaminsanyahay inay iyadu ku maaraynayso mushaharaadka shaqaalaha iyo ciidamada qalabka sida ee puntland oo aan muddo wax mushahar ah qaadan.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
email:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain