Posts

Madaxwayne Cabdiwali Gaas oo sheegay in shirkii wadatashiga Puntland laga dhigay afar qaybood oo ka kala dhici doono Gaalkacyo, Garowe iyo Qardho

Madaxwaynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta daboolka ka qaaday shirkii wadatashiga Puntland ee lagu waday inuu ka qabsoomo magalada Gaalkacyo in laga dhigay afar qaybood oo ka kala dhici doono Gaalkacyo, Garowe iyo Qardho.

Dhammaadka bishaan ayuu Dr.Gaas sheegay magalada Gaalkacyo inay ku qaban doonaan shirwayne dhexmari doona shacabka kaasoo lagu caasumay in ka badan labo boqol oo qof.

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale tilmaamay magalada Qardho inuu ka qabsoomi doono shirka Isimadda Puntland oo xoogiisa looga hadli doono halka laga yimi, meesha loo socda iyo hiigsiga nooca uu yahay, sidoo kale madaxwaynaha ayaa sheegay magalada Garowe inay ku qaban doonaan shir qurba joogta ku saabsan oo looga hadli doono xoojinta dowrka qurba joogta ee horumarta dalka iyo dib u dhiskiisa.

Dr.Gaas waxa uu sheegay shirwayne kulmin doono shirarka magaalooyinka lagu qabanayo inay ku qaban doonan Garowe, kaasoo lagu wado inay kasoo baxaan go'aamo waa weyn oo salka ku haya horumarinta Puntland iyo ilaalinta midnimadda, arrimahaan ayuu kaga hadlay masuulkan waraysi uu siiyay gollaha falanqeynta siyaasada ee fadhigiisu yahay dalka Maraykanka.

Ammaanka magalada Gaalkacyo ayaa la adkeeyay waxaana wadooyinka qaarkood lagu arkayay ciidan hubaysan kuwaasoo hordhac u ah socdaal uu dhowaan madaxwayne Gaas ku tagi doono magalada Gaalkacyo
Developed by Jago Desain