Posts

Maraykanka oo Baaraya Wiil Soomaali Mareynkan ah oo lagu dilay iskuul la seexdo oo ku yaala Puntland

Wiilkan Soomaaliga ah ee kasoo jeeda Gobolka Minnesota heystana Dhalashada wadanka Mareykanka ayaa lasheegay inuu udhintay Jirdil loogu dhaxgeystay Iskuul nooca laseexdo ah oo kuyaala Deegaanada Puntland.

TV-ga FOX 9 ee wadanka Mareykanka oo lahadlay Waalidka dhalay wiilkan ayaa sheegay iney aamisanyihiin in wiilkooda loo dilay "Ahaanshaha Mareykan", ayna ka murugsanyihiin dilka wiilkooda.

Ammar Abdirahman , oo 17 sano jir ah waa wiilka lagu dilay Puntland waxa uu kudhashay Minnesota , balse bishii December sanadkii hore ayaa waxaa soomaaliya usoo diray Qoyskiisa si uu dalka gudihiisa ugu barto Dhaqanka Soomaaliyeed.

Hooyada dhashay Camaar ayaaa FOX9 usheegtay " Wiilkeygu waxa uu ahaa qof wanaagsan , waxa uu jeclaa inuu dadka su'aalo waydiiyo ,aad buu ujeclaa Soomaalida ,balse waa ay jirdileen dabadeynta waa ay dileen, wiilkeyga".

Ehelada wiilka ladilay oo FOX9 lawadaagay sawiro laga soo qaaday Meydka Camaar yaa muujinaya jirdil iyo garaac xoogan oo wiilkan dhintay korkiisa kamuuqday.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
email:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain