SAWIR-KA MAANTA : SAAMAYNTA LACAG LA DAABACO KU YEELANAYSO SHACABKA PUNTLAND

SAWIR-KA MAANTA : SAAMAYNTA LACAG LA DAABACO KU YEELANAYSO SHACABKA PUNTLAND
Sawirka maanta waxaan kaga hadlayna dhibaatooyinka iyo khatarta lacag been abuur ah oo la daabaco leedahay , oo waxay jid u furtaa dhaqaale burbur ka sokow, sicir barar ku yimaada Maciishada iyo adeegyada Bulshada sida raashinka hilibka khudaarta , xoolaha nool , isgaarsiinta, sida baabuurta rakaabka ah iyo kuwa xamuulka ah iwm Waxayna kaloo saamaysaa nolasha qoys kasta oo kamid ah bulshada gaar ahaan qoysaska danyarta ah.

dhibka ugu daran ee lacag la daabaco ayaa ah saameenteeda oo aan dhaqso looga soo kaban qaadatana muda dheer taas oo niyad jab ku rida bulshada ilaa heer uu qofku gaaro inuu dadkiisa noco, oo dalkiisa noco, oo naftiisa noco oo noloshiisu qiima beesho, maadaama uu wuxuu ku tabcaayay oo shaqaynaayay muddo dheer ay qiimo beeleen maalmo yar guduhood.

Madaxda Dawlada Puntland haday u arkeen kharash la'aanta dowlada ka haysta dhinacyada mushaharka iyo adeegyada dawlada inay xal u tahay lacag shilin soomaali ah oo la daabaco taasi ay tahay ka dar oo dibbi dhal.

DAAWASHO WACAN



SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
email:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain