Posts

Sawiro : Madaxwayne Gaas oo ka qayb galay saxiixa heshiis Ganacsi oo Kalluunka iyo kheyraadka kale ee Puntland lagu Gaynaayo Dalka Ethiopia

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta la kulmay Wefdi balaaran oo ka socda Dalka Ethopia , kuwaasi oo isugu jira Ganacsato iyo masuuliyiin shirkad diyaaradeed dalkaasi laga leeyahay.

Wefdiga oo uu hogaaminayay Qumsulka Dawladda Ethiopia u fadhiya Puntland Madane Asmalaash ayaa waxaa casumay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland , waxaana kullankaasi ka qeyb-galay Wasiirka Ganacsiga Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle , Wasiiro iyo Ganacsato reer Puntland ah.

Ganacsatadan ayaa Puntland u yimi sidii ay Dawladda Puntland ula saxiixan lahaayeen hashiis ganacsi oo baaxadleh , iyago badeecadahoda keeni doona Dalka halka kheyraadkeenana si sharciyeysan u geyn doonaan Dalka Ethiopia.

Hashiiska ayaa qeyb ka ah in Ganacsatadan ay Kalluunka iyo kheyraadka kale ee Puntland kujira si sharciyeysan u geeyaan Dalka Ethiopia oo xiriir saaxiibtinimo uu ka dhaxeeyo Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhankiisa sheegay in uu si aad ah Puntland ugu soo dhaweynayo Ganacsatadan oo Puntland u yimi sidii ay hashiis ganacsi oo balaaran ula geli lahaayen Dawladda Puntland.

Kullanka kadib ayaa Madaxweyne Gaas waxaa uu hoygiisa Qado sharaf ugu sameeyey dhammaan Ganacsatadaasi, halkaas ayeyna kuwada qadeeyeen.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
email:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain