Posts

SAWIRO: Shirkii Wada-tashiga Puntland oo la soo Gaba-gabeeyay iyo Qodobbo laga soo Saaray

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta soo xiray Shirweynaha Wada-tashiga beelaha Puntland oo maalmihii ugu danbeeyay ka socday magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Shirweynahan oo ay ka qeyb galeen ergooyin badan oo isga yimid Gobalada maamula Puntland, waxaa ujeedada shirka lagu sheegay in la adkeeyo wada jirka Bulshada Puntland, Nabadda, kalsoonida iyo is-aaminaada bulshada, lana xaqiijiyo midnimada iyo hirgelinta nidaamka xisbiyada badan.

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo madasha shirka kusoo xiray shirka ayaa sheegay in Dawladda Puntland ay soo dhaweynayso qodobada ka soo baxay shirka mudadii uu socday. "Go'aanada aad isku raacdeen shirka anaguna waan idinku raacnay, waxaana la rabaa go'aamada aad isku raacdeen inay fulaan, anagu waan fulinaynaa laakiin idinka haydinka fusho" sidaa waxaa yiri Madaxweyne Gaas oo sheegay in 10 sano kadib shir midkan oo kale la qaban dooni.

Intii uu socday shirka waxaa looga dooday in la saxo waxyaabihi khaldamay tan iyo markii la asaasay Puntland ,waxaana ka qayb-galayaashii shirka ay inta badan wax iska weydiiyeen sida ugu haboon ee lagu gaari fikir midaysan oo gobolka ka hirgala.

Qodobada shirka ka soo baxay waxaa ugu muhiimsanaa in :
1. midnimadda iyo jiritaanka Puntland laga wada shaqeeyo.
2. in Guddi ka kooban Dawladda iyo dadweynaha loo saaro dib uso celinta dhulka ka maqan gacanta maamulka.
3. In Hogaanka dhaqanka Puntland aysan ku dhex-milmin Siyaasadda
4. in la hirgaliyo nidaamka axsaabta badan.






SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka Deegaanada calbari
Email:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain