Sawiro : wafdigii Wasiirka Caafimaadka dowladda Puntland oo booqday magaalooyinka Caluula iyo Xaabo ee Gobolka Gardafuu


Wafdiga Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Cabdinaasir Cismaan Cuuke oo mudooyinkan Socdaal ku marayay Gobolka Gardafuu ayaa gaaray 12/08/2015 degmada Caluula ee xarunta Gobolka Gardafuu.

Wafdiga ayaa ku hakaday Sayn-Wayn iyo Sayn-yar halkaasi oo si wacan loogu soo dhoweeyay islamarkaasina kulan kooban odayaasha dhaqanka kula yeesheen ka hor inta aysan u gudbin degmada Caluula.

Magaalada Caluula oo xeebta dhankeeda lagu qabtay kulanka wadatashiga iyo furitaanka barnaamijka caafimaadka asaasiga ah iskugu jiray ayaa la isku waydaarsaday qaabka dadka deegaanku uga faa'ideysanyaan barnaamijkan iyo weliba dib u hawlgelinta Isbitalka guud ee degmada Caluula.

Odayaasha ayaa soo jeedshay baahiyo caafimaad kuwa waxbarasho iyo mid deegaanba, waxana wasiirku u ka balanqaaday in dib ugu noqon doono Garowe islamarkaasina gaarsiin doono dhinacyada ay khuseyso tabashada shacabka gobolka.

Wafiga ayaa sidoo kale waxay boqdeen Degaanka Xaabo oo dadku ku farxeen booqshada iyo kormeerka wasiirka caafimadka Puntland iyo wafidga la socda.

Beeldaaje Ismaaciil ayaa ku soo dhoweyay gobolka wafdiga wasiirka oo uu ka hadlay booqashada wasiirka, furitaanka barnaamijka iyo weliba wax ka qabashada baahiyaha gobolka si horey loogu ambaqaado wadada horumarka.

Wasiirka Caafimaadka Puntland iyo masuuliyiinta la socday ayaa uga mahadceshay dadweynaha gobolka Gardafuu sida qurxoon ay iskugu soo baxeen, isagoona ugu baaqay inay isku tagaan ayna ka tashtaan sidii ay u hormursan lahaayeen adeegyadooda.












BAARGAAL.NET
ISHA WARARKA HORUMARKA CALBARI
EMAIL: BAARGAAL@GMAIL.COM
Developed by Jago Desain