Posts

Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo wasiirka caafimaadka Puntland oo galabta soo gaaray degmada Baargaal ee gobolka Gardafuu

Degmada Baargaal ee gobolka Gardafuu waxaa Caawa soo gaaray wafdi balaaran oo uu horkacayo wasiirka Wasaarada caafimaadka Dawlada Puntland Cabdinaasir Cismaan Cuuke.

Wafdiga wasiirka Caafimaadka Puntland uu hogaaminaayay ayaa waxaa qayb ka Ahaa hawlwadeeno iyo agaasimayaal ka tirsan Caafimaadka Puntland iyo masuuliyin ka socda hay'adda Save The Children.

Wafdiga wasiirka ayaa waxaa si diiran usoo dhaweeyay Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Gardafuu iyo Gudoomiyaha Degmada Baargaal Abuukar Axmed yuusuf iyo bulshada ku dhaqan degmada Baargaal ayadoo looga hortagay wafdiga wasiirka magaalada Baargaal Banaankeeda.

Soo dhaweynta kaddib, ayaa waxaa wafdiga wasiirka Caafimaadka Puntland loo galbiyay Hotel salaama oo Wafdiga loo Diyaariyay inay Degaan.

wafdiga wasiirka Caafimaadka ayaa qorshaynaaya inay kormeeraan goobaha caafimaadka ee ka shaqeeya Degmada Baargaal , ayagoo xariga ka
jari doona
Ololaha todobaadla Cudurka Dabaysha(Polio)
iyo barnaamajyo ay hirgalinayso hay'adda Save The Children.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
ISHA WARARKA HORUMARKA CALBARI
Email:Baargaal@ gmail.com
Developed by Jago Desain