Posts

WARARKII U DANBEEYAY DOON AY SAARNAAYEEN BOQOLAALTAHRIIBAAL AH OO KU DEGTAY XEEBAHA DALKA LIBYA

Ciidamada Illaalada xeebaha ee dalka Talyaaniga, ayaa sheegay in doon nooca kalluumaysiga ah oo siday Boqolaal qof oo tahriibayaal ah, in ay ku Degtay xeebaha dalka Libya.

War ka soo baxay goor dhawayd ciidamada Illalada xeebaha Talyaaniga, ayaa lagu sheegay in badda laga soo saaray 150 qof oo ka mid ahaa muhaajiriintii doontay rogmatay la socday, iyada oo cabsi xoog leh laga qabo nolosha tiro intaa ka badan oo tahriibayaal ah oo doontan la socdeen.

Warku waxa kale oo intaa ku darayaan in ay doontani qalibantay markii Boqolaal Tahriibe oo saarnaa ay u wada yaaceen uguna urrureen dhinac ka mid ah doonta, kaddib markii ay arkeen markab kuwa gurmadka ee samata-bixinta ah, taasina ay keentay in ay doonto qalibanto.

Doontan ay tahriibayaashu saarnaayeen ee qalibantay ayaa lagu soo waramayaa in cilad xaga farsamada ahi ay la soo deristay ci,ilada badda oo xumayd awgeed, iyada oo maraysa meel 25 Km, u jirta xeebaha badda dalka Libya, taas oo keentay in ay doontaasi qeylo dhaan sama-bixin ah u dirsato jasiirada Sicily, waxaana markiiba goobtii shilkani ka dhacay gurmad ahaan ku soo gaaray dhowr doonyood oo kuwa sama-ta-bixinta ah iyo Seddex diyaaradood oo ah kuwa qumaatiga u kaca.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka Calbari
email:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain