87 qof oo ku dhintay iyo 184 ku dhaawacantay wiish galabta ku soo dumay Masaajidka Xaramka ee Magaalada Makka (Daawo Sawirada)

Wiish weyn, ayaa galabta ku soo dumay Masaajidka Xaramka ee Magaalada barakaysan ee Makka, iyadoo ay ku dhimatay 87 qof, halka 184 kalana ay ku dhaawacantay, sida ay sheegeen Saraakiisha Sacuudiga.

Tani, ayaa ka dambeysay roobab xoogan oo ka da'ay Magaalada Makka, isla-markaana uu danab ku soo dhacay wiish ka mid ah wiishash dhisme ka waday Masaajidka Xaramka.

Wiishkan, ayaa ku taagnaa dhismaha ku yaala inta u dhaxeyso Safa iyo marwa, birihii wiishka oo go'go'ay, ayaa ku soo daatay dad markaasi ku tukanaayay barxadda Maqaamu Ibraahiim.

Gaadiidka gurmadka deg-degga oo gaaray halkaasi, ayaa looga daad gureeyay dadkii ku dhintay, kuna dhaawacmay burburka wiishka.

Dadka dhaawacmay oo dhaawacyo kala duwan qaba, ayaa la dhigay goobaha caafimaadka.

Shilkan, ayaa wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo laba toddobaad ay ka harsan tahay xilligii Xajka.

Mallaayiin Muslimiin ah oo dalalka caalamka isaga kala imaanaaya, ayaa ku qul qulaaya dalka Sacuudiga.

Roobka galabta ka da'ay Magaalada Makka oo dabeylo iyo onkod watay, ayaa waxaa lagu sheegay noociisii ugu xooganaa oo ka da'a Magaaladaasi, tobankii sano ee la soo dhaafay.










Developed by Jago Desain