DEG DEG :Dalka imaaradka Carabta oo Qabtay 3 Nin oo Gobolka Bari Ka Gurtay Jawaano Dhagxaan ah

Wararka caawa ka imaanaaya Wadanka isutaga immaaradka carabta (UAE) ayaa waxa ay sheegayaan in ay Ciidamada kastamka ay Qabteen 3 Jawaan oo Dhagxaan ah iyo Sadex Nin oo watay una Dhashay wadanka Thailand.

Dawlada immaaradka ayaa sheegtay in Nimankaan ay ka Soo Safreen Wadanka Somaliya Gaar ahaan Puntland Ayna Wateen 3 Jawaan oo Dhagxaan ah Ciidamaduna ay hada Ku wadaan Baaritaano Wixii ka soo baxana ay usoo Bandhigi Doonaan Saxaafada.

Sadexdan Nin ee Udhashay Wadanka Thailand ayaa Waxaa Lasheegay in ay Maalmihii Lasoo dhaafay ay ku Sugnayeen Gudaha Puntland Gaar ahaan Gobolka Bari iyo Degmada Qandala halkaasna ay Ka Soo Qoteen Sadexdaan Jawaan ee Ay Caawa Dawlada immaaradku Gacanta Ku dhigtay.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
email:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain