Dowladda India oo sheegtay in doomo laga lahaa dalkeeda lagu duqeeyay badda u dhaxeysa Somalia iyo Yemen


New-Delhi (Baargaal.net)-Diyaarado dagaal ayaa lagu soo waramayaa inay 2 doomood oo laga lahaa dalka India ay ku weerareen badda u dhaxeysa dalalka yemen iyo Somalia sida uu sheegay Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka India.

ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka yemen ayaa sheegay in doomahaasi ay duqeeyeen isbahaysiga dalalka carbeed ee uu horkacayo dalka Sacuudi Arabia.

13 ka mid ah shaqaalaha 2-da doomood ee laga lahaa dalka India ayaa la soo sheegayaa in ay bad qabaan halka 7 kale aan la ogeyn halka ay jaan iyo cirib dhigeen.

Sarkaal ka tirsan ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka Yemen ayaa sheegay in markii la weeraray 2 doomood ee dowladda India sidoo kale diyaaradaha dagaalka ee dalka sacuudiga ay weerareen doomo kale kuwaasoo la sheegay in ay saarnaayeen kaluumeysato.

Ilaa iyo iminka ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dhinaca Dawlad Goboleedka Puntland iyo Dawlada Somalia maadaama duqeyntaasi ay ka dhacay meel ka mid ah biyaha Somalia ee ku dhaw dalka Yemen.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
email:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain