ENG Yaasiin Mire Maxamuud oo loo doortay duqa cusub ee Degmada Boosaaso

Eng. Yaasiin Mire Maxamuud ayaa ku guulaystay doorashada duqa Degmada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari , kadib doorasho maanta ka dhacday hoolka shirarka jaamacada Bariga Afrika.

Doorashada xilka Duqu magaalada Bosaso ayaa waxaa u taagnaa hal musharax oo ah Yaasiin Mire Maxamuud oo ay u codeeyeen golaha cusub ee Degmada Boosaaso, waxaana u codeeyay 28 xildhibaan Iyadoo sidoo kale Ku xigeenka Duqa magaalada Bosaso loo doortay Siciid Garoon oo asaguna ahaa Musharaxa kaliya ee u taagnaa xilkaas.

Doorashada Waxaa goog joog ka ahaa Maamulka gobalka Bari, kan degmada Bosaso, xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland, xildhibaano,nabadoono, aqoonyahano, siyaasiyiin, ganacsato, dhalinyaro , haween iyo marti sharaf kale oo Badan

Duqa cusub ee magaalada Boosaaso Eng.Yaasiin Mirre Maxamuud Dacar Waa Aqoon yahan wax kusoo Bartay Jaamacad ku taal Dalka malaysia asagoo haysta shahaadada Becholars of Civil Engineering.

sidoo kale Eng.Yaasiin Waa Sarkaal ka tirsan UN-ka Gaar Ahaan Hay”adda FAO xafiiskeeda Deegaanada Puntland.




BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
email:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain