Facebook oo lagusoo soo kordhindoono adeega cusub Ee Dislike oo ka soo horjeeda Like

Facebook oo lagusoo soo kordhindoono adeega cusub Ee Dislike oo ka soo horjeeda Like
Shirkadda FACEBOOK oo ah shirkadda ugu balaaran baraha ay bulshadu ku xiriirto ayaa soo kordhin doona adeeg cusub oo Dislike ah; kaasoo u ogolaanaya dadka isticmaala inay ku diidaan Waxyaabaha aanay jeclaysan , iyadoo uu ka soo horjeedo Adeeggan Cusub Botonka Like oo ahaa kan Qofku ku Ogolaan jiray waxa uu jeclaysto.

Mark Zuckerberg oo ka mid ah Aasaasayaashii Shirkadda Facebook, ahna madaxa Golaha Fulinta ayaa sheegay in Botonkaan cusub uu u Ogolaanayo Qofka isticmaalaya Facebook inuu isaga joojiyo waxyaabaha aanu doonayn inuu arko, sida Arrimaha la xiriira Geerida naxdinta leh iyo kuwo kale.

“Codsi nooga yimid dadka ku xiran Facebook ee caalamka ku teedsan ayaa nagu khasbay inaan kusoo Kordhinno Shabakadda Adeeggan Cusub, kaasoo ruuxu uu ku diidi karo wax-yaabaha aanu u baahnayn, Waxaana filayaa in Dadku ay si aad ah u Adeegsan doonaan,” ayuu yidhi Zuckerberg.

Sidoo kale, Mas’uulkan ayaa Hadalkiisa ku daray. “Waxaa laga yabaa inaadan ku Qanac-sanayn in farriin soo gashay boggaaga Facebook aad iska diiddo, haddaba Dislike wuxuu kuu ogolaanayaa inaad iska diiddo farriintaas aadan doonayn.”

Mas’uulkan ayaa mar kale xusay in Bulshada Isticmaasha Facebook oo Haatan 1.5 biliyon gaadhaya ay Dhowr jeer Codsiyo la xidhiidha arrintan ay xafiisyadeenna ay soo gaadhsiiyeen, waana taas tan keentay in lasoo kordhioy adeeggan.

“Daqiiqad Walba ma aha Daqiiqad Wanaagsan; Sidaas awgeed haddii aadan doonayn in aad la wadaagto ruux kale Waxyaabo Murugo leh sida; Qulqulka Qoxootiga, dad aad ehelo tihiin oo la laayay, waxaad taaban kartaan botonkan cusub… waayo haddii ay bartaada ka sii Muuqdaan Waxyaabahaas Macnaheedu waa in aadan Dareemin Raaxo,” ayuu raaciyay Hadalkiisa Zuckerberg oo intaas ku daray. “Iyadoo taas laga duulayo waxaan qabnaa inay muhiim tahay in Dadku ay helaan fursad kale oo aan ahayn Like.”

Waxaa ka hadlay adeeggan Cusub ee Facebook-ga uu soo kordhiyay Bulshada Facebook, iyadoo Qaarkood ay soo dhaweeyeen Adeeggan Cusub ee DISLIKE, halka kuwo kalena ay kasoo Horjeesteen.

“Facebook-ga Waxaa ku jira waxyaabo badan oo aan la jeclaysan karin,” ayuu Atiq Haneef oo ka mid ah dadka sida aadka ah u isticmaala Facebook uu u sheegay Warbaahinta oo wax ka weydiisay adeeggan. Isagoo intaas ku daray. “Aad ayaan u Isticmaali doonaan adeeggan cusub.”

Balse, Roger Anderson oo Gobolka Atlanta ee dalka Mareykanka ku nool ayaa ku sheegay Hadal uu Saxaafadda Siiyay in uu soo Dhaweynayo Adeeggaan cusub ee ay soo Kordhisay Facebook, waayo waxaad ku diidaysaa waxyaabaha aad neceb tahay.

Ugu dambeyn, qaar ka mid ah dadka Isticmaala Facebook ayaa iyagu muujiyay inay kasoo horjeedaan adeeggan, iyagoo sheegay inay la macno tahay in dadku ay wixii ay doonaanna ogolaadaan wixii ay doonaanna diidaan, waxayna xuseen in dadka qaarkood waxyaabo aad muhiim u ah ay diidi karaan.


SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Email:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain