Gabar Qabrigeedii Dib Looga Soo Saaray Kadib Markii Booliska Boosaaso Ay Ku Qanci Waayeen In Lagala Baxay Beerkeedii


Aabihii dhalay gabadhan ayaa Ciidamadu ku amreen in uu ka soo saaro qabrigeeda si loo xaqiijiyo in lagala baxay xubnaheeda qaar ka mid ah, wuxaana dib loo faagay qabrigii oo laga soo saaray meydka ilmaha yar oo ahaa mid mood mooday uuna ka muuqday qaliin looga sameeyey caloosha lagalana baxay beerka iyo kelyaha.

ciidamada ps ta ayaa helay meydka gabadha yar waxayna u yeereen ciidamada Booliska si ay wax uga ogaadaan dhacdada foosha xun ee ka dhacday magaalada Boosaaso

kadib markii ay hubiyeen in dooxasho lagu sameeyey oo lagala baxay xubnaheeda gudaha ku jira ee Beerka, kelyaha iyo wadnaha.

Meydkii gabadhaas yar ayaa saaka la keenay Isbitaalka magaalada Boosaaso, waxaana lagu sameeyey baaritaan lagu caddeeyay in gabadhaas yar ay ka maqan yihiin qaar ka mid ah xubnaheeda uur-ku-jirta.

gabadhan oo habeenimadii Jimcaha laga xaday waalidkeed ayaa shalay subaxnimadii laga helay guri aan ciddi degeneyn oo ku yaal xaafada Biyakulule ee magaalada Boosaaso.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka Deegaanada calbari
email:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain