Posts

Hay’ada Tadamun oo Bamka Ceelasha biyaha ku Wareejisay Maamulka Gobalka Bari Ee Puntland



Hay'adda Waddanig ah ee TADAMUN ayaa Bamka Ceelasha biyaha ku Wareejisay maamulka Gobalka Bari, kaddib markii uu codsi uga yimid Saraakiisha Jeelka weyn ee Boosaaso.

Bamka la Gaarsiiyay Saldhigga weyn ee Boosaaso ayaa ah – 4 Kw, 5.5 HP, Waxaana loogu talo-galay Ceelka Gaal-shiraha oo Dhererkiisu yahay 18-mitir, Maadaama uu jabay Bamkii hore ee Ceelka

Xaflad kooban oo lagu qabtay saldhiga oo ay ka qayb-galeen Maamulka Gobalka Bari, kan Degmada Boosaaso, Saraakiisha Saldhiga, Mas'uuliyiinta TADAMUN, Waxgarad iyo Marti sharaf kale ayaa Taliyaha Saldhigga, Shire Saciid Maxamed uu kula Wareegay Bamkaas.

Guddoomiyaha Tadamun, C/raxmaan C/risaaq oo ka Hadlay Goobta ayaa sheegay in xilligan ay dayactir ceel kawadaan deegaanka Timirshe oo ka tirsan Gobolka Bari oo ay ku Guulaysteen inay Dayactiraan laba Ceel oo ku yaalla deegaankaas.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
email:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain