Posts

kaar cagaaran oo loo taagi doono Ciyaartooyda Horyaalka Kubada Cagta Talyaaniga isbuuca Danbe .. Waa Maxay Sababtu

Kaararka midabka ee kubada cagta, sida jaalaha ama casaanka had iyo jeer waxaa ciqaab ahaan loo siiyaa ciyaartoyda la timaada dhaqan xumo ama ka- hortaga rabshad ama falal kale oo aan ahayn mid sports ah, laakiin Italy isbuuca soo socda waxaa lagu arki doonaa kaarka cagaaran garoomada.

Wargeyska "La Stampa" ee Talyaaniga ka soo baxa ayaa shaaca ka qaaday in la go'aansaday in la isticmaalo kaararka cagaaran heerka labaad ee horyaalka kubada Cagta Talyaaniga si loogu abaalmariyo ciyaartoyda la
timaada dabeecad wanaagsan iyo ciyaar nadiif ah.

Warbixinta ayaa tilmaamtay in nidaamka cusub la dabaqi doono isbuuca
soo socda iyadoo ujeedada looga danleeyahay ay tahay abaalmarinta
ruuxii ciyaar wanaag layimaada iyo dabaqida mabda'a abaal marinta iyo
ciqaabta,

Wargeyska ayaa sheegay in kaarka cusub laga yaabaa in mustaqbalka dhow
lagu tijaabiyo heerka koowaad ee Horyaalka talyaaniga ka dib marka la
arko saamayntiisa Serie B

SHABAKADA BAARGAAL.NET
wararka ciyaaraha oo waji gaar ah leh
email:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain