Meydka Gabar Xubno ay ka Maqan yihiin oo laga Helay Magaalada Boosaaso


Waxa maanta maydkeeda laga helay guri ku yaalla magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari Ruqiya Muuse Cabdikariin oo Hal sanno jir ah taas oo hore loo waayay.

Muuse Cabdikariin oo ah aabaha dhalay Inanta yar iyo Ifraax oo ah hooyadeed ayaa warbaahinta u sheegay in ay waayeen Ruqiya maalintii Jimcihii la soo dhaafay iyadoo laga qaatay gurigooda.

" Saaka ayaa maydkeeda oo Uurku jirta sida beerka laga la baxay laga helay Guri aan cidi joogin oo isla Boosaaso ku yaalla, marka aanu maydka u tagnay waanu argagaxnay" ayuu yiri Aabaha dhalay Ruqiya.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Gurigan hore looga helay qof Dumar ah oo suuxsan oo rag aan la Aqoonsan uga tageen meesha.

Qoyska Inanta yar ayaa ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya waxana ay ku jiraan xaafad ay ku badan yihiin dadka ka soo barakacay Koonfurka Soomaaliya.

laamaha Ammaanka Boosaaso ayaa ku hawlkan soo qabashada ciddii ka danbaysay dilkan foosha xun.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
email:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain