Musharax cumar Sidiiq oo u taagnaa xilka duqa degmada Boosaaso oo maanta iscasilay


Mid ka mid ah musharaxiinta xilka duqa degmada Boosaaso ayaa maanta ku dhawaaqay in uu iska casilay musharax nimadiisii ka dib kulan saxaafadeed oo uu ku qabtay gudaha Hotelka Gaceyte ee magaaladan Boosaaso

eng cumar Sidiiq oo ahaa musharax ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad ee duqa degmada Boosaaso waxa uu sheegay in uu iska casilay xilkan siyaabo jira awgeed, iyo in aanu ku qanacsaneyn sidii loo soo xulay golaha deegaanka degmada.

Waxa uu Cumar Sidiiq intaas ku daray in aanu hada ka dib aheyn musharax u taagan xilka hadii aan wax laga bedelin gudiga xulista golaha deegaanka oo uu sheegay in ay si aanu ku qancin wax u maamuleen.

Waxa uu ugu baaqay madaxweynaha dowladda Puntland in uu soo farageliyo howlaha ka socda gobolka islamarkaana uu il gaar ah ku eego siyaabihii loo soo xulay golaha deegaanka ee maanta la dhaariyay.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
email:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain