Sawiro: Ururka Wadani oo olole Ballaaran oo Qashin aruurin ah ka Fuliyay Degmada Caluula ee Gobolka Gardafuu


ururka Wadani oo ay ku Midoobeen Dhalinyarada Degmada Caluula ee Xarunta Goblka Gardafuu ayaa maanta olole Ballaaran oo Qashin aruurin ah ka Fuliyay Degaano ka tirsan Degmada Caluula sida magaalada xaabo

Ololahan oo ujeedadiisu ahayd sidii dib loogu nadiifin lahaa Gudaha Magaalooyinka iyo Banaankooda si ‎ay mar kale u soo muuqato Bilicdii ay lahaayeen magaalooyinku , waxaana ololahani uu ahaa mid si ‎weyn loo soo abaabulay isla markaana ay horseed Ka ahaayeen Xubnaha Ururka Wadani

ololahan qashin uruurinta oo maanta ururku sameeyay ayaa lagu nadiifiyay Xaafadaha, wadooyinka iyo suuqyada Magaalada xaabo.

Guudoomiyaha uruka Wadani Cali Saalax yuusuf Cali Mahdi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhalinyaradu iskaa Wax uqabso ay ku shaqaynayeen Manajirto cidkale oo ka caawisa hawlaha ay ka wadaan degmada Marka laga reebo ganacsatada oo ay ka helaan dhiirgalin iyo taakulo aan sidaa ubuurnayn.

Gudoomiyaha ururka ayaa ugu baaqay dawlada iyo Hay,adaha in ay ka gacan siiyaan ururka hawsha adag uu u hayo Bulshada ku dhaqan Degmada caluula ee Gobolka Gardafuu.

Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray in dhawaan uruku uu xiriir lasamayn doono Wasaarada Shaqada, shaqaalaha iyo horumarinta Dhalinyarada Puntland Booqashana uu ku tagi doono Magaalada Garoowe ,

Ururkan Wadani oo ay ku midoobeen Dhalinyarada degmada Caluula ayaa waxaa Dhidibada loo taagay sanadkii 2011kii, wuxuuna ka shaqeeyaa horumarinta Degmada, wacyigalinta Bulshada, Nadaafada Caafimaadka, Waxbarashada iyo Nabad Galyada.












SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka Deegaanka calbari
email:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain