September 12, 2015

Sheekadii Drs. IFTIN Gabadhii Caqliga Badnayd Qaybtii Kowaad iyo Qoraa C/rashiid Xaashi Carab



Sheekadan Lamagac baxday Drs. IFTIN waa sheeko Xiiso Badan Xambaarsan oo Gudbinaysa Fariimo Badan waxaana Allifay Qoraa C/rashiid Xaahi Carab oo kusoo bandhigaya sheekadan waaya aragnimo uu qoraagu innala wadaagayo , Waa waayaragnimo uu ka soo dhextuujiyey in muddo ah oo uu ku dhexjiray Diraasaynayana Dhaqamada Bulshooyinka uu la noolaa.

Qoraa C/rashiid xaashi carab oo beryahan Marti U ahaa Shabakada BAARGAAL.NET waa qoraa wayn oo haysta Aqoonsiga -Naadiga Qoreyaasha Puntland ( PUNTLAND PEN ) wuxuuna Qoraagu Horay U qoray Shan Buug oo sheekooyin ah oo uu qoraagu dhawaan damacsanyahay inuu Daabaco Qaybo Kamid Sheekooyinkaas sida uu u sheegay warbaahinta BAARGAAL.NET

Waxaana Kamid ah Sheekooyinkaas uu qoray qoraagu Wadada Wanaagsani waa wehelka Nolosha (WEHELIYE) iyo sheeko la yiraahdo (irritis) oo macnayaal waawayn xambaarsan lagana dheehan karo aragtiyo iyo fikir kala duwan oo uu ka leeyahay Qoraagu iyo sheeko layiraahdo Ma moogaa iyo Sheekada aan soo bandhi doono ee Drs IFTIN oo ah gabar caqli badan oo aqoonyahanad ah.

Qaraa C/rashiid xaashi carab ayaa sidoo kale ku xeel dheer currinta heesaha iyo gabayada asagoo la wadaagay Bahda Shabakada BAARGAAL.NET gabayo hore uu u tiriyay oo taariikh Dheer oo aan dib ka faafin doono.

Qoraaga Ayaa waxaa wixii argti Ama Fikir ah ugu gudbin Kartaan Teleefankiisa Somalia +25290 7828948

waxaan halka ku soo bandhigaynaa qaybtii Kowaad ee sheekada Digtoorayso IFTIN oo aan si taxane ah aan idinku soo gudbin Doono Haduu eebe yiraahdo La socod wacan.

SHEEKADII DRs. IFTIN ( QAYBTII 1-AAD)


Bari Baa waxaa jirijiray nin layidhaahdo xoog sade oo ahaa nin madi ah wuxuu lahaa dhul weyn oo ili ka aragtay ah wuxuuna caan ku ahaa ceshiimo taasi oo sababtay in loo aqoonsado nin bilaa naxdin ah wuxuuna dhalay wiil la yidhaahdo tagi did

markii uu dhintay ayaa wiilkiisi wuxuu kadhaxlay dhulkii hase yeeshee wiilkiisu ma baran wax cilmi ah waxaana shaqo unoqotay ceshiimadii aabihii oo aanay isku jecleysan isaga iyo reer kiisu waxa nasiib daro naqotay in tagidid uu noqday nin maguursada ah oo ay sababtay dadkii degaanka ahaa oo xididka la noqon lahaa oo ay isku naceen ceshiimada beeraha oo aheed hantidiisa oo uu kula dagaalami jiray gabdhihii ay hasaawi lahaayeen marka ay xoolaha kaga soodayaan dhulkiisa daaqsinka ah Taasi oo dhalisay in ay taariikh xun unoqoto sababtayna in uu 50 jir ku gaaro belaa guur

haseyeeshee waxa arintaas ka damqaday qaraabadiisii oo wada tashi ka sameeyay iyaga oo ka fikiray hadii tagidid uu ku dhinto gblan in magac qoys meeshaa uu ka baxaayo waxeeyna arintiisa u xilsaareen nin ay ilma adeer ay yihiin oo go aan kasoo gaara sidii reer loogu dhisi lahaa waxna laysaga weydiin lahaa cidii loogu gogol dhigan lahaa ee gabadha laweydiisan lahaa waxana la go aamiyay in 7 nin loo xilsaaro arintaas waxayna yeesheen fadhigii ay kusoo go’aamin lahaayeen hasa yeeshee markii dood badan iyo falanqayn ay ka sameeyeen waxay kala yeesheen laba aragti

qayb waxay yiraahdeen markiisii horeba tagidid tolka wax macna ah uma laheen wax qaaraan iyo talo midna kuma soo kordhin jirin marka hadii uu gablan ku dhinto waxa dhaxalkiisa yeelanaya ninman badan oo wax la aani hayso tolkana kaga jira kalin wax ku ool ah,

Qaybtii labaad waxay soo jediyeen in arintu ay tahay mid ka duwan qiimeyn tiisa shaqsi ee larabo in la badbaadiyo magac sidaas owgeed waxay kutaliyeen in waxla iska waydiino cidii gabar ay uga ardaa dhigi lahaayeen iyo in la sahamino nin rag ah oo talada tolka qadanaya ayna u joogto gabadh guur doon ah.

dood daa dheer kabacdi waxay go aan sadeen in ay cod u qaadaan labada fikir waxa nasiib wanaag noqotay in codkii ay heleen qoladii rabtay in loo guuriyo waxayna gudagaleen reerkii gabadha tolku ugu gogol fariisan lahaa waxayna islagarteen ilma sugule, oo ahaa 6 nin oo ay ladhalatay gabar layidhaahdo cutiya oo da’deedu tahay 15 jir, nimankaas oo ahaa niman tolka aad umaqla lagana xisaabtamo wax kasta oo tolku ka codsado inay fuliyaan oo awoodooda ah

sidaa darteed waxay usoo gudbiyeen go aankii tolkii guud waana la qaatay fikirkoodii waxaana shirkii laga dhex qabtay odayaashii dooni lahaa gabadha iyo xiligii intaas kabacdina waxa loo yeeray tagidid oo loo sheegay go aankii tolka isaga oo canaan badan iyo dhaleceena dosha laga saaray, hasa yeeshee markii dambe isku aragti laga noqday fulinteedana loo wada jirayo sidaas ayna ku hawl galeen ragii loo xilsaaaray doonista cutiya.

ka dibna waxa is weydiistay gabadhii tolkii iyo ilma sugule, sidii lagu yaqaanay nimankaas way fuliyeen taladii tolkoodna way qateen gabadhiina gogoshii bay kubixiyeen oo gabatigii iyo sooryadiiba la isku weedaarsaday waxaana ladhameeyay meherkii tagidid iyo cutiya,hase yeeshee basbaso oo aheeyd gabadha hooyadeed wey ku qan weyday gabadheeda oo da yar in lasiiyo nin 50 jir ah oo lagu xanto in uu yahay doqon {qowsaar} waxayna qaylo, buuq, canaan iyo habaarba kubiloowday wilasheedii ay dhashay oo ay kuleedahay ma agoon nimada baad ku aragteen, hadii abeheed noolyahay maanta saas maqabsateen, i.w.m waxay kaloo aflagaado iyo maagis u geesatay ergadii gabadha tolku doonis teeda usoo xilsaaray iyo nin kii lasiiyayba. hasa yeeshee cidina dhag jalaq uma siin waxayna wilasheedii ku yidhahdeen hooyo gabadha waanu bixinay tolkeena waa naga gudoomay ee hadalka iska jooji isaga oo uu hadlayo curadkeedii.


kadibna waxaa si fiican loogu hawl galay aqal galkii qoyska cusub ee reer tagi did oo loosameeyay hab maamuuskii ugu sareeyay deeganka beeraleyda ah. nasiib wanaag habeenkii uhorasay ee ay aqal galeenba waxa uur galay qoraxey, markii 9 bilood u dhamaatay waxaa cutiya dhibay fooshi waxayna udhali weyday hore, waxaa ku daalay umulasooyinkii deegaanka oo arintii usharaxay inay halis badan tahay, waxayna ku taliyeen in meel magaala ah si dagdag ah lola gaaro oo dhakhtaro ka hawl galaan.

waxaa se nasiib wanaag naqotay inay timaado islaan magaceeda la yidhaahdo {qurbacley} oo aan degaanka hore loga aqoon ee socdaal kusoo gadhay, hase yeeshee markii ay maqashay dhibta haysata cutiya sheegtay inay tahay umuliso weyn marki ay baartayna waxa ay tiri waan ka dhalin karayaa , lakiin laba is haysa hadii aad aragtid balan toodii hore baa xumeed: anigu caado baan leeyahay hadii aan naag ka dhaliyo waxaan qataa qurbac hadii balanta la igaga baxana reer kaasi ma dhisnaado hase yeeshee maadaama ay meesha taalo dhib weyn oo ay foolanaysay gabdhu mudo kudhow labaatan cisho, waxay dadkii meesha joogay oo ay ku jiraan odayaashii masuu liyada gabadha damiinka ka ahaa iyo qaar ka mid ah qaraabadeeduba u balan qadeen qurbacley, codsigeedii inay fulinayaan hadii ala kala keeno. sidaas baana waxaa ku dhashay {qoraxey} waxuuna noqday wiil aad loogu farxay looguna duceeyay madama uu lamaanaday tagidid

nasiib daro waxa dhacday markii ay is fahmi wayeen umulisadii iyo tagi did oo uu yiri waxaan ku siinayaa dibi yar madama aanu geelba laheeyn lakiin uu leyahay 20 lo ah iyo laba tiro ari ah, hase yeeshee qurbacley ay ka xanaaqday waxayna ku tiri aniga iyo adoogeeyba lo’ ma dhaqano. waxayna sababtay in odayaashii dhexdhexaadiyaan markii ay dhageesteen iyaga oo goob joog ka ahaa balantii horeee ay ku hawl gashay umulisadu kuna guuleysatay hase yeeshee waxay gartii ku af jareen, maah maahda ah, geel waa geel wixii gooyaana waa geel ; waxayna uqiimeeyeen qurbac geel ah waxayna u siiyeen lacag hase ahaatee, iyada oo aan ku qanacsaneen bay qadatay waxayna tiri godob baa la iga galay. waana la arkidoonaa.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka CAlbari
Email:Baargaal@gmail.com



NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
 

Delivered by FeedBurner