Sheekadii Drs. IFTIN Gabadhii Caqliga Badnayd Qaybtii 2-aad iyo Qoraa C/rashiid Xaashi Carab

Sheekadii Drs. IFTIN Gabadhii Caqliga Badnayd Qaybtii 2-aad iyo Qoraa C/rashiid Xaashi Carab

intaas ka bacdi waxaa dhacday malin maalmaha ka mid ah, ayaa  qurbacley waxay lasoo fariisatay islaamo meel hadh qoodal ah oo aqal soomaali hadh galbeedkiisa ah fadhiya waxayna dhagaysatay xantoodii. waxayna maqashey iyagoo leh naa heblaay waxaa la yiri islaantii basasa aheed godkeedaa biya ugu galeen oo gabadheedii uu guursaday ninkii laga fiicnaa wuxuu la guursaday labo dumar ah mid kale waxay tiri: waxaa la yiri dhandhanshaana waaley dhargaana ka dar ma ninkii isaga oo 50 jiray lasiiyay gabadha yar oo habeenkii uhoreesayba ay aqal gashay ku uurasatay maantana durba wiil qurux badan uhaysa miyuu labo ka dabeysiyay ilaa waxaa lawada ogaa inuusan waligii guursan ee tolku u gurmaday markii ay maqashay arinkaas iyada oo iska hubinaysa gabadha aad ka sheegeeneysan ma gabadhii shimbirka la iga soo dhigaybaa oo iyadoo isku umul raaci laheed aan ka dhaliyay baa.

haa oo waanu maqalnay arintaas, isla markiiba waxa ay u fikirtay sidii ay mushkulad uga samayn lahayd waxayna ku talaab satay hawsheedii iyada oo kabilooday in ay u tagto hooyadeed oo kaligeed kudaashay lahayna wax ka nasiya iyo gabadhii oo umulanayd mudo 3 cisho ah oo ay hayso {gurguurto} waxayna ku tiri aniga ayaa kaa nasinaya caawa ilaa beri soo naso markii ay hooyadeed tagtay ayeey waxay sisay, kiniin xanuunka ka jebiya markii umushii ay soo ladnaatay. ayay iyada oo ku dhag hadlaysa iskana dhigaysa qof isla  sheekeysanaya bay waxay tiri ala inan ragoow xiniin  ala ku qabay cadowsanaa bal inan taa yar oo ninkaa aad uweyn lasiiyay isla markiina ugu curatay wiil ayaa waxaa laleyahay laba dumar ah buu ka dambeesiiyay.


gabadhii oo yaaban hadalka islaanta ka soo yeeraya, baa waxay tiri eedo ma anigaa qofka aad sheegeysaa!!
haayo waa adiga oo dumarka deegaanka baan ka maqlay oo ku sheekeysanayay isla markiiba gabadhii way duday waxayna dhigtay wiilkii yaraa waxayna aaday gurigii hooyadeed basbaso oo awalba aan  rali ka aheyn guurkeeda.

tagi did baa wuxuu yimi gurigii oo ilmihii yaraa ka dhex jaqaaq leeyahy aaney cidina la joogin mana uu garanayo cid uu geeyo iyo si uu yeelo toona hase ahaatee waxa layiri nin rag ah waxaan ilmo uu foosho aan aheenba way soo maraan, wuxuu ku tashaday inuu qeylo afka saaro markii ley isu soo baxay waxaa inankii yaraa loo dhiibay cidda dariska ah hasa yeeshee mudo maalmo ah ka dib ayaa isaga iyo nabaddoonkiisii waxay ergo ugu tageen qoyskey gabadhu ka dhalatay, dood badani ka bacdi waxay go aan sadeen wiilashii walaalaheed ahaa in ay ku daraan iyagoo ka codsaday ergadii inay isu yimaadaan labada qoys maalmo ka bacdi lagana wada hadlo waxay tirsaneyso gabadhu laguna qancinayo hooyadeed oo dagaal xoog badan ugashay inaan gabadha la celin hasa yeeshee ay macquul noqon weyday wiil yar o 3 habeen jiray in hooyadi loo diido. intaas ka bacdina waxa isu yimi labadii qoys waxana la gudagalay wada hadalkii markii la dhageestay gabadhii doodeedii baa isna su aalo laweediiyay oo waxa layiri ninka ilaahay baa ubaneeyay 4 dumar ah ee hadii ay jirto noo sheeg labada dumarka ah hadi kalena waa war beenow lagu waa.


 isaga oo ufekiray mar hadii maseyr tir laga qaadayo si aan mar dambe hadal ugu bilowmin buu yiri haayoo wey jiraan. ragii garta fadhiyay nin ka mid ah xoogagaal u ah baa yiri: oo labada dumar ahi miyay ka dambeeyeen. wuxuu yiri haayoo way ka dambeeyeen inta la qosqoslay, lana kaftamay baa layiri waxaad noqotay geesi balse waxaa lagaa rabaa sidii aad reerahaaga udhaqan laheeyd. nasiib wanaag ninkii kaligii ahaa durbadiiba waxaa u curtay dumaradii kale hadaba markiiba wuxu ka fekiray in uu dumarkiisa meel wada dajiyo si u helo xoog mideesan oo ugala shaqeysta beerihiisa hasa yeeshee mudo kabacdi dumaradii wey heshiin waayeen. waxana badatay gartii iyo hadal joogta ah. kadibna waxa lagula taliyay in uu kala raro madamaa uu leeyahay dhul balaaran oo ili ka aragtay ah, wuuna yeelay taladii wax garadka wuxuuna uqaybiyay dhulkii iyo xoolihiiba mudo kabacdii markii caruurtii kortay. ayuu wuxuu ku fekiray inaanay caruurtu bahbah u culoobin sidaa dardeed wuxuu isku keeni jiray meel markaasuu u sheekeen jiray waxuuna uga sheekeen jiray sheekooyin midnimo wuxuuna usoo qadan jiray tusaalooyin

hasa yeeshee wax tacliin ah ma uusa barin mudo kabacdi waxaa dhacday gabadhii cutiya ahayd gurigeedii inuu noqday guriga ugu fiican, waayo hooyadeed oo gabdho kali geed ka dhashay ayaa waxay soo heshoba u keynaysay iyo iyadoo ay is qabadkoodu badnaa oo markii ay tagtaba dhibaad soo heleysay waxa kaloo caawinayay iyadoo dumarka kale ka magac weyneyd. sidaa daraadeed waxa layiri aqalkii aasaaska ka xumadaa dhexda buu ka qalooc samaa. waxa badatay dhibtii ka dhaxeeysay tagi did iyo xaaskiisa cutiya waxayna sameeyn ku yeelatay caruurtoodii bah ahaan. ha ugu mudnaato qoraxey waxay dhibto soo jiitantoba maalin maalmaha ka mid ah ayaa tagi did oo mudadii dambeba ka mid noqday odayaasha reerka madama ay isku filnaadeen bahihiisii oo bah waliba is dhaqatay. markaa suu bilabay in magaaloyinka u sheeko doonto hadaba maalin buu wuxuu damcay dibi ka soo jeeday xoolihii hooyadeed inuu iibsado weyna isku qabsadeen markaa ka dibna ayuu dhir baaxo xoog badan ku dhuftay cutiya arintaasi way ka carootay hase yeeshee isaga oon wax ficil ah sameeyn garanayayna dibiga in hooyadii laydahay buu iska tagay. habeenkii dambe markii uu soo hoyday odaygii baa hadal bilaabmay cutiyaa waxay tiri: horta aniga waxa iheysata dhib gaar ah hadii aan gurigan ka tago doqomadii walaalaey ahaa igarsiin mayaan hadii aan joogona iga gar qaadan meysid reerna saa kuma dhaqnaado. waxane see go aan saday inaad aragayga weydaan.


isaga oo qoslaaya buu ku yiri: waligaa baad oran jirtay. waxay tiri: la arki doone ee caruurtu yay kaa dayacmin. hadaladaa i.w.m ayay isweydaar sadeen waxayna calool xumo kusii beertay qoraxey iyo walaalihiisii ka yaraa oo maqlayay hase yeeshee maalmo yar kadib ayay cutiya waxay heshay dad tahriib usocda waana la waayay meel ay jaan iyo cidhib dhigtay. waxana biloobmay buuq ay kicisay hooyadeed basbaso oo ku doodeysa, inuu dilay gabadheedii meedkeediina qariyay. hase yeeshee walaalaheed oo niman dagan ah ayaa difaacay oo yidhi: mar hadii anan raq iyo ruux midna arag ku degdegimeyno seediyeyno hadii se ay dhimataba isaga yaa uga dhib badan isagey rajo iga tageysaa. markaas kabacdi ayaa maalin maalmaha ka mid ah tagi did oo caruurtiisii ushekenaya, sidii cadada u aheyd baa waxa hadlay qoraxey. wuxuu yidhi: aabo mudo badan ayaad murti, dardaran, waano, iyo wax sheeg kaleba noo sheegeysay waxanse cawa kaa codsanayaa, inaad na tijaabisibo oo anigu gaar ahaan waxaan rabaa inaan magalo ado ee waxaad wax iga siisaa xoolahii hooyadey isaga oo nasiib daro hadalku ka dhalin yaroobay oo waxa layidhi : dhalin yaro intay geed ka boodo bay talo ka boodaa, waxayse ku habooneed inuu yidhaahdo abo wax isii hase yeeshee intuu odaygii fekeray isna yidhi kani haduu caruurta kasii mid ahaado wuxuu ku beerayaa cilad. wuxuu go aan satay inuu lacag siiyo maalintii dambena wuxuu siiyay lacag wuxuuna ku yidhi tag oo meeshad rabtid aad waxa kaa dambeeya fikir xun oo ayeeydaa kuu soo sheegtee. qoraxey baa wuxuu yidhi abo iisoo ducee awalba waxa ii go aan aheed hadii aad wax isiiso iyo hadii kaleba inaan tagee waxase muhiim ii aheyd ducadaada. intaas kabacdina wuxuu aday magaalo, hadii uu magalada yimina isagoo aan wax qarabo ah iyo cidna ka
garaneen wuxuu ka mid noqday darbi jiifkii {dibjir} hadii ay dibjirkii maageena wuxuu noqday wiil adag sababtoo ah abihii baa soo tababaray markii uu oranjiray caruurtiisa legdama si aanay u kala qalon. markuu dagalamona wuxuu yaqanay xeelad ku cusub dibjirka. sida:- tabca gudeed, sinsaaro,daranyo i.w.m wuxuuna aha inan xoog badan sidaa awgeed bay waxay saxiibayn nasiib oo ahaa wiilka ugu adag ee baada ka qaada. mudo sana kabacdi ah ayaa waxa maalin maalmaha ka mid ah iyagoo suuqa dhex maraya baa nasiib ku yiri : qoraxayow hadii maanta aan lacag haysan laheyn waxaan sameysan lahayn dukaan qoraxay oo ay u aasneed lacagtii uu reer kooda kala yimi. ba yidhi oo saaxiib intaan baa hayaaye ma inagu filan tahay haa buu nasiib yiri markaas kabacdi bey kireystayn meel faras magalaha ah nasiib wanaag waxey u noqotay meel aad u shaqeynasa oo macaariif badan kana heleyn fa ido degdeg ah. intaa kadibnaqoraxey wuxuu soo dejiyay magalada bahdoodii oo ka kooban gabadh iyo 2 wiil oo uu door biday inuu wax barasho geeyo. mudo kabacdina baa abihiina wuxuu noqday nin magalada daas kuleh oo markuu caraabayo kasii dukanaasto wuuna jecleystay siduu wiilkiisu ula qabsaday durbadiiba ganacsiga iyo fa iidada uu kasoo hoyay. hadii arinto halkaa mareyso qoraxeyna uu ku mashquulay dukaankiisa wax kalena faraha kaqaday noqdayna nimaan dukaankiisa iyo beerihii uu ka yimi wax ba uga dhaxeyn shaqaduna aad ugu badan tahay caana ka noqday xafadii uu dagana iyo magaaladaba dadkuna wada amanan tusaalena loosoo qaato sida uu qeyrkiis udhaafay iyo dhaqan wanagiisaba.


waxa kaloo uu ku filnaaday bahdoodii oo aheyd gabadha walashii oo nasro oo ku filnaatay hawlihii guriga iyo bahidii hooyadood dareynkeedi yareysay hadii arintu halkaas mareyso. ayaa maalin maalmaha ka mid ah qorax oo raba inuu dukanka xiro fardad xidhay. ayaa waxa usoo gashay gabadh ardayad ah oo gashan direyskii ardeyda dhigata dugsiga kaliyaasha cafimaadka dadka {nerse} waxana ku tiri: walaal waxad iga iibisaa buugag si deg deg ah ayuu merfeshkii ugasoo dajiyay oo miiska usoo dulsaaray. kadib waxa ay ku tiri :aad baad umahadsantahay. malintii dambe ayaa waxa nasiib iyo qorax oo fadhiya dukaanka debidiisa ayaa waxa lasoo fadhiistay nin macalin ah oo layidhaahdo ashkir, weyna sheykeystayn kadibna ashkir baa kuyiri: waxa tihiin inamo fiicfiican oo hantay ama kasbateen macaariif badan waxaadna noqoteyn dukaanka ugu macaamiil badan magaalada uguna camiran hase yeeshee waxa dhaliil ku leedihiin, dukaanka magac umaydin bixin. waxa layidhi : inta dhar magaalo lagu xidhaa way dhowdahay, intase dhal magaalo lagu noqdaa way dheyr tahay. nasiib oo ku dhashay magaalo,  oo ahaana ninkii fikirka lahaa dukaanka ayaa yirii : waa run oo bakhaarada jumlada ee aan xiriirka laleenahay dhamaantood waxay leyihiin magacyo boodhka ugu qoray wana laga marmaan in inaguna aynu u bixinu magac ashkir baa yidhi: hadii meheradu magac leydahay waxa sisahlan logala soo xidhiidhikara aad joogtid, oo loogu soo hagaajin karaa biilasha xasaska macaamilka la leh. waxana la isku afkartay in dukaanka loo bixiyo{IFTIN SHOP}hadaba maalmo ka bacdi waqtigii rawaxada, isaga oo qorax uu doonayo inuu dukaanka xidho gurigiina u qado tago kaligiina yahay ayaa waxa u soo gashey gabadhii ardayada aheyd waxayna tidhi waxa iga iibi intaas kabacdi markii uu weydiiyay waxay rabto oo ahaa saabuun iyo alaabe kaleba intii uu marfashka alaabta kasoo dajinayay bay ku tidhi magaceyga waxa layidhaahdaa iftin! isagoo layaaban daandasiga gabadhan yar buu kuyidhi: magacaaga dankamalihiye isii lacagta. waxaytidhi hoo lacagta, waxa soo ogataa in magaca dukaanka uuyahay nasiibka aad dukaamada dheyrtay waana magacaygii marka waxa layiri : magac meel la aan mabaxo.

La soco Qaybta Danbe

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Email: Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain