Sheeko: Hallo magafe wiilka anigaa dhalay ee intaad inoo sarifto lacagtaada kagooso oo aniga baaqiga ii soo dir


Waxa tahriib u kicitimay wiil somaliyeed islamarkaana kasoo jeeda qoys danyar ah sidoo kale wiilkan waalidkii waxba lamuu socodsiin ee wuu iska dhaqaajiyay sidda u caadada ah dhalinta somaliyeed ee hada joogta.

Markii uu wiilkaasi ambabaxay ee uu boorsadiisa qaatay ayaa waxa baadi goobay waalidkiisii dhalay waanay waayeen meel uu jaan iyo cirib dhigay markuu muddo sadex maalmooda sii maqnaa ayuu lasoo hadlay waalidkii wuxuunu usheegay inuu joogo waddanka itoobiya islamarkaana uu usii dhaafaayo waddanka Sudan.

Kadib waalidkii ayuu lasoo hadlay oo ahaa aabihii ayaa kuyiri aabo maxaad kadoonaysaa Sudan?
wiikii wuxuu aabihii ugu jawaabay inuu kasii tahriibaayo oo wuxuuna yiri aabo qayrkay ayaan raacayaa oo ini hebel iyo ina hebelba way tahriibeen ee maxaa aniga idhigaaya odaygii oo fajacsan ayaa yiri aabo inagu wax hantiya mahaysano oo aabo waxaan magafe kaaga furto mahayo ee haydhibine aabo soo noqo.

Wiilkii wuu diiday hadalkii aabihii wuxuunu ku adkaystay socdaalkiisii odaygiina Telefoonkii wuu ku jaray kadib wiilkii wuxuu sii watay socodkiisii waxaanu gaaray waddanka Sudan Hadanna waa uu kasii gudbay oo wuxuu u bareeray saxarihii ay isaga iyo asxaabtiisaba markii gaari yar oo kharaaba la raacay ay markii qadar saacaddo ah ay sii socdeen ayaa waxa la gaaray goobtii belaayada goobtii furashada goobtii dad qalka gacanta ayaa lagu dhigay wiilkii isaga ahaa iyo kooxdii lasocotaba waxaana bilaabantay markiiba la hadal Aabahaa iyo la hadal Hooyadaa.

Qof waliba Telefoonka ayuu halabsaday Hooyoo waa lay qalanayaa Aabaw Kelyahaa laygala baxayaa Walaalaw Magafay i cunaaya beerkaa laygala baxayaa iyo indhaha.. warkoodii ayay bilaabeen asxaabtii dhalinyarada ahayd.

Markii ay qaylada isku dareen ayaa sida somalida caadada u noqotay Habar iyo Oday lacag la doonay mid guri xaraasha islaan dahab iibisa waana loo wadda diray dhalinyaradii ay wada socdeen wiilkii qoyska danyarta ah kasoo jeeday waxaa loo dhiibay Telefoonka oo waxa layiri la hadal dadkaagii iyo waalidkaa lacagta hasoo diraane aanu kuu garaacnee yeeri Numberkooda.

Wiilkii wuu yeeriyay Numberkii aabihii waana la garaacay markii Odaygii Telefoonkii kusoo dhacay ayuu qabtay waxaanu yiri Hallo
markiiba wiilkiisii ayaa kala hadlay Aabihii waxaanu ku bilaabay warkiisii oo ah aabo waxa i haysta Magafe aabo beerka ayuu igala baxayaa aabo kelyaha ayuu igala haadayaa aabo indhuhu waa kuwa ugu horeeya ee layga saaraayo aabo waa lay furfuranayaa ee aabo lacagta iga soo bixi.

Odaygii oo yaaban ayaa kuyiri aabo maxaa lagu falayaa beerkaaga iyo kelyahaaga iyo idhaha ?
Wiilkii wuxuu yiri aabo waa la iibsanayaa dabeedna odaygii ayaa yiri
aabo yaa iibsanaaya?
Wiilkii ayaa yiri aabo waxa iibsanaya dee Magafe haa odaygii ayaa yiri
aabo mee magafahaad sheegaysaa ?
Wiilkii ayaa ku jawaabay aabo waakan i dultaagan
odaygii ayaa yiri iigu dhiib Telefoonka Magafe wiilkiina wuu u dhiibay telefoonkii magafe odaygii ayaa yiri Hallo Magafe may maqlaysaa ?

Magafe haa ayuu ku jawaabay odaygii wuxuu yiri magafe lacagtaad doonaysaa waa imisa?
magafe ayaa yiri 5000 kun oo Dollar weeye haa odaygii wuxuu yiri
Hallo magafe wiilka anigaa dhalay ee intaad inoo sarifto lacagtaada kagooso oo aniga baaqiga iisoodir markaa ama kelyo kala bax ama beer kala bax
hadalba gam Telefoonkiina wuu jaray odaygii.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
email:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain