Posts

Augustine Mahiga oo mar kale xil cusub loo magacaabay

Waxaa xil cusub loo magacaabay Augustine Mahiga oo horay u ahaan jiray Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsanaa Arrimaha Somalia muddadii u dhexeysay sannadkii 2010-kii ilaa bishii June ee sannadkii 2013-kii.

Xilkaani loo magacaabay Mahiga ayaa waxaa qalinka ku duugay Haweeneyda lagu magacaabo Nkosazana Dlamini-Zuma, oo ah gudoomiyaha Ururka Midowga Afrika.

Augustine Phillip Mahiga ayaa noqon doona Ergayga Gaarka ee maamulayo Hawlgalka Tababarka Milliteriga ee ''Amani Africa'' oo iminka si xooli ah uga socda dalka Koonfurta Afrika.

Mahiga ayaa dal ahaan kasoo jeeda dalka Tanzania waxa uuna iminka qaban doona Hogaaminta Siyaasadda Rayidka ee Hawlgalka ''Amani Afrika'' .

Waxaa howlgalkaasi si KMG ah hadda usii hogaamin doona Taliyaha Ciiddanka dalka Zimbabwe, Sarreeye Gaas Trust Mugova.
Ururkaani loo magacaabay Mahiga ayaa waxa uu si buuxda gacanta ugu dhigi doonaa Ciidanka loo carbinaayo Heeganka Qaarada Afrika oo laga soo kala uruurinaayo dhamaan wadamada Africa, gaar ahaan kuwa dhaca Bartamaha, Bariga, Waqooyiga, Koonfurta iyo Galbeedka Afrika.

Geesta kale, Ambassador Mahiga ayaa xilkii Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsanaa Arrimaha Somalia sanadii 2013-kii bishii July ku wareejiyey Nicholas Kay oo ah Diplomaasi u dhashay dalka Britain.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain