Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin oo ka hadlay Biyo la’aan ka jirta degmada Caluula iyo Abaaraha Gobolka Gardafuu

Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin oo ka mid ah Isimada Puntland ayaa ka warbixiyay Biyo la’aan xoogan oo ka jirta degmada Caluula ee Gobolka Gardafuu,xilli Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ay dhowaan shaacisay in qaar ka mid ah Gobolada Puntland ay Abaaro ka jiraan.

Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin oo la hadlay Warbaahinta gudaha,ayaa sheegay in Fuusatada biyaha ay degmada Calluula ka marayso Boqol iyo labaatan Kun oo shillin.

‘’Calluula waxaa ka jirta biyo la’aan baahsan meel shan Kiilo Mitir u jirta ayay bulshadu biyaha kaso dhaansadaan,waxaa Fuusatada biyaha ah ay maraysaa Boqol iyo Labaatan Kun,waana Ceel biyihiisu ay yihiin kharaar,waana go’an’’Ayuu yiri Beeldaaje Ismaaciil.

Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin ayaa sheegay inay wadaan Biyo dhaan,isla markaana dadka ay si wayn u taabatay biyo la’aantu.

Wuxuu intaas ku daray ‘’…..Lix Bilood dad dhaansanayay biyo Fuustadii ay noqotay Boqol iyo Labaatan kun waa ku daaleen,waana simeen dadkii,waxa hadda ii jooga laba Gaari labadaa gaari ayaan dadka Biyo dhaan ugu samaynaynaa’’.

Dhanka kale,wuxuu sheegay in Gobolka Gardafuu uu ka mid yahay Gobolada Puntland ay Abaartu sida wayn u taabatay.

Ugu dambayntii Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin ayaa ugu baaqay Jaaliaydaha reer Puntland iyo Dawladda inay ka qayb qaataan Gurmadka loo fidinayo dadka.



SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain