DAAWO : Goolkii Ladhaliyey















Axmed Xuseen oo u tartamayay xisbiga Liberal ayaa noqonaya muwaadinkii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed oo ku guuleysta taariikhda doorashooyinka baarlamaanka dalka Canada, isagoo laga soo doortay xaafadda York South-Weston ee magaalada Toronto. 

 Axmed ayaa ka adkaaday murashaxii laga soo dooran jiray xaafadda laga soo doortay oo lagu magacaabo Mike Sullivan oo ka tirsanaa xisbiga NDP. Inkastoo ay hadheen labadii murashaxee kale ee Soomaalida ahaa oo tartanka ka qayb-qaatay. 

 Soomaalida ku nool waddanka Canada ayaa aad ugu riyaaqay guusha uu Axmed ka gaadhay doorashada baarlamaanka, iyagoo u arkaya guushiisa inay horseedayso inay baarlamaanka dalka Canada cod ku yeeshaan markii ugu horreysay taariikhda. 

Hoose Ka Daawo Somali toronto TV iyo uuqaalka soomaalida 



Developed by Jago Desain