Daawo Sawirada : Tartan orod ah oo ay soo qaban qaabisey Hay’ada PDRC oo lagu qabtey Xeebta Magaalada Baargaal

Daawo Sawirada : Tartan orod ah oo ay soo qaban qaabisey Hay’ada PDRC oo lagu qabtey Xeebta Magaalada Baargaal
Hay’ada Cilmi baarista Puntland ee PDRC ayaa galabta waxay ku qabtay Xeebta Degmada Baargaal tartan orod ah oo lagu wacyigalinaayo dhalinyarada Deegaanka

Tartanka oo ay kasoo qayb galeen qaar kamid ah dhalinyarada iskuulada ka dhigta magaalada Baargaal ,iyo dhalinyaro kale  ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiinta Maamulka degmada oo uu ugu horeeyay Gudoomiyaha Degmada Baargaal Abuukar Axmed Yuusuf iyo xoghayaha Degmada Siciid cawil Dhuxul.

Mudadii uu tartanka kasoconayay Xeebta Degmada Baargaal ayaa waxaa waxaa usoo daawasho tagay bulshada qeybaheeda kala duwan eek u nool Magaalada Baargaal

Ugu Dambeyn Hay’ada  PDRC  ayaa waxaa ay Abaal Marin gudoonsiisay Ismaaciil Naaji oo ku guulaystay tartankii orodka Galabta 


Tartanka ayaa ku soo idlaaday jawi nabadeed iyo dhamaan dhalinyaradii ka soo qayb gashay ay  ku wada faraxsanaayeen  tartankii ay wada yeesheen .

Daawo sawirada 











SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Email:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain