Daawo: Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Puntland Anisa C/qaadir Xaaji Muumin oo booqatay goobo waxbarasho oo ku yaala Magaalada Bosaaso

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Puntland Anisa C/qaadir Xaaji Muumin oo dhowaan soo gaartay magaalada Boosaaso xarunta ganacsiga Puntland ayaa maanta kormeero ka sameysay goobo waxbarasho oo ku yaala magaalada boosaaso xarunta gobolka Bari .

Wasiir Anisa ayaa booqatay xarunmaha waxbarashada siiba kuwa wax lagu baro Haweenka ee ku yaala magaalada Boosaaso, sida xarumaha Jaamacada Culuumta caafimaadka iyo iskoolka Farsamada Gacanta ee Boosaaso.

Goobihii ay tagtay wasiir anisa waxa ay ku kala warqaateen masuuliyiintii ku sugnaa, iyadoo si toos ah diiradda u saareysay wax ka ogaanshaha heerka wax barasho ee Haweenka Degmada Boosaaso, Waxaana ay sheegtay wasiir Anisa Xaaji Muumin in labada iskuul ee ay booqatay ay u hayaan haweenka howl muhiim ah oo ayna ugaga mahadcelineyso.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in mudooyinka soo socda ay ku sugnaan doonto Boosaaso, ayna kormeero baddan ka sameyn doonto Magaalada Boosaaso

Halkan ka Daawo booqashada Wasiir anisa ee xarumahaas waxbarasho



SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
email:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain