DEGDEG : Shil Ka dhacay Puntland oo ay 7 qofay ku dhinteen

Ugu yaraan 7 qof ayaa dhimatay ku dhowaad 40 kalena way dhaawacmeen ka dib markii uu qallibmay baabuur ay la socdeen dad muhaajiriin ah oo u dhashay dalka Itoobiya.

Shilkan ayaa maanta ka dhacay meel u dhow magaalada Qardho ee Puntland, halkaasi oo shan qof ay makriiba ku qurbaxeen.

Laba qof oo kale ayaa ku kala dhintay jidka iyo cisbitaalka, kuwo kalena xaaaladdoodu way liidataa sida ay kusoo warramayso weryahayaga VOA ee Boosaaso oo tagtay cisbitaalka dadkan la geeyey.

Jamaal Axmed Yaasiin oo ka mid ah dadka la socday baabuurkaas ayaa VOA u sheegay in baabuurkaasi rarka laga badiyey ayna la socdeen dad gaaraya ilaa 120 qof.

Xigasho : Somali VOA 
Developed by Jago Desain