Dhagayso Bulshada Deegaanka Baargaal oo u mahad celinaaya Idaacada wareegta ee Dalmar

Dhagayso Bulshada Deegaanka Baargaaloo u mahad celinaaya Idaacada wareegta ee Dalmar
Dadka ku nool degmada Baargaal ee gobolka Gardafuu ayaa umahad celiyey Idaacad guur guurta oo lagu magacaabo Dalmar’ iyadoo tagta hadba deegaanada fog fog ee ka baxsan laamiga’waxana meelahaas inta badan ka fulisa Barnaamijyo wacyigalin.
Dhawaan waxay tagtay degmada Baargaal ee gobolka Gardafuu waxayna Ha’yadda cilmi baarista Puntland ee PDRC kala shaqaynaysa wacyigalin ku aadan Burcad badeed’ oo laga baqayo inay kuso laabtaan deegaamada xeebaha ah.
Gudoomiyaha baargaal iyo qaarkamid ah shacabka magaalada aya sheegay inay tahay markii ugu horaysay oo Idaacad FM timaado degmada’ waxayna tilmaameen inay Dalmar ka dhagaysta barnaamijyo ka hadlayo wacyigalin iyo wadanimo.
Waa markii ugu horaysay oo deegaanada Puntland laga hirgaliyo Idaacad hadba meel uguuraysa’waxaana Idaacadan inta badan ka baxo Barnaamijyo wacyigalin ah’ Mowjada 87.8 ayaana laga dhagaysta.
Halkan ka Dhagayso Codka.
Developed by Jago Desain