Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu Cabdulqaadir Yuusuf Maxamed iidi oo dalka dib ugu soo laabtay kana warbixiyey safarkiisa Dibadda (Sawirro)

Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu Cabdulqaadir Yuusuf Maxamed iidi oo dalka dib ugu soo laabtay kana warbixiyey safarkiisa Dibadda (Sawirro)
waxaa Dalka dib ugu soo laabtay Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu Cabdulqaadir Yuusuf Maxamed iidi oo maanta ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Garoowe.

Gudoomiyaha ayaa muddo ku maqnaa dalka dibadiisa Gaar ahaa Dalalka Yurub sida UK Sweden iyo Talyaaniga oo uu safaro shaqo ugu maqnaa.

Soo dhaweynta ka dib ayuu Gudoomiyuhu Saxaafada uga warbixiyey safarkiisa dibada wuxuuna sheegay in casuumaad uu ka helay dalka Talyaaniga gaar ahaan gudoomiyaha Magaalada Torino iyo golaha deegaanka magaalada, wuxuu sheegay in ay ka wada hadleen sidii xiriir wadashaqayn u dhexmarilahaa.

Xiriirka ka dhaxeeya Talyaaniga iyo Puntland ayuu sheegay in uu yahay mid soo jireen ah oo hadaba laga helayo gobolka Gardafuu Qalcadihii Talyaaniga uu dhistay xiliyadii uu Talyaaniga gumaysanayey dalka.

Warbixinta guud ee safarkiisa ayuu sheegay Gudoomiyaha Gardafuu in uu u gudbindoono madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, kalana hadli doono hormarka gobolka iyo isbedelka uu sameeyey muddada uu joogay.


Halkan Ka DHagayso Codka :











SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
email:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain