Diirka Muuska Waxaa Ku Jira Fiitamiinno Badan Oo Caafimaadka U Wanaagsan

Waxaa qarniyo badan soo taagnaa dhaqan ah in muuska qolofka sare ee laga fiiqo la iska tuuro oo qashinkalagu daro waayo dadku waxaaba ay ka baqaan in lagu siibto, laakiin qolofka sare ee muusku waa mid qiimo aad u weyn ku fadhiya isla markaana la aaminsanyahay in uu ka nafaqo badanyahay muuska gudaha ku jira ee aynu cunno.

Sida ay sheegeen khubaro kala duwan oo cuntada si fiican u yaqaana qolofka sare ee muusku noockastaba ha ahaadee waa mid qani ku ah fiitamiinno kala duwan kuwaas oo u wanaagsan jirka biniaadamka. 

Inkasta oo laga yaabo in ay adiga kuula muuqato mid aan suurtagal ahayn in qolofka sare ee muuska aad maalinkasta cunto hadana meelo badan oo dunida ka mid ah sida Hindiya iyo Gobolka Caribbean-ka ee Qaaradda Ameerika waxaa qolofka muuska loo adeegsadaa in weelka cuntada lagu cuno lagu nafaqeeyo.

Waxaa hadda la leeyahay diirkan sare ee muuska ee inta badan aynu tuurno waxa uu ka koobanyahay nafaqooyin iyo macdanno kala duwan isaga oo yareyn kara miisaankaaga haddii aad tahay qof ka cabanaya buurnaan xad dhaaf ah, waxa kale oo uu kuu tari karaa in uu saameyn ku yeesho dareenadaada farxadda, murugada, carada iyo kuwo la mid ah.

Ella Allred waa khabiirad dhinaca nafaqada cuntada ah waxa ay sheegtay in qolofka muuska ay ku jiraan macaadinta ay ka mid tahay Potassium, VitaminC iyo Vitamin B6 kuwaas oo ay leedahay waa nacasnimo  in biniaadamka dhulka dul jooga ay ka faaideysan kari waayeen.

Laura Flores oo joogta Santiago ayaa iyada lafteedu aaminsan fikradda ay qabto Ella Allred , waxa kale oo dabagalkan ay khubaradu sameeyeen ay sii adkeyneysaa Cilmi-ogaanshiyo hadda ka hor lagu daabacay majaladda caanka ah ee la yidhaahdo journal of Applied Biochemistry and Biotechnology oo sheegtay in qolofka sare ee muusku ka koobanyahay isku dar maadooyin Baayooloji oo kala ah polyphenols, carotenoids kuwaas oo wax tar u leh dadka biniaadamka.

Vitamin B6 Waxa uu xoojiyaa difaaca jirka, waxa kale oo uu kor u qaadaa caafimaadka maskaxda iyo wadnaha. Waxa isla markaa uu dheeli tiara heerka sonkorta dhiigga ku jirta taas oo caawin karta qofku in uu markasta farxad ku sugnaado.

Vitamin B12 waxa uu wax weyn u taraa maskaxda iyo hab dhiska neerfaha ee jirka. Viitamiinada noocoodu yahay B dhamaantood waa kuwo sunta ka difaaca jirka sidaa darteed waxa ay door ka ciyaaraan in jirka laga saaro waxyaabaha aan faaidada lahayn sida kiimikooyinka keena in qofku noqdo mid si nacasnimo ah u naaxa, taas oo hadaba faaido u leh dadka u taagwaayey buurnida miisaankeedu ka sareeyo 80 Kilo.

Fiitamiinada diirka muuska laga helo waxaa ka mid ah VitamC waxa uu jirka ka caawiyaa in uu si dhakhsa ah uga bogsado waxyeelooyinka soo gaara, waxa kale oo uu ka caawiyaa jirka in uu koro iyo in uu soo saaro tissues cusub oo door ka ciyaara qolof dhacsiga iyo isbedelka jirka ee joogtada ah.

BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari 
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain