Duqa Degmada Boosaaso oo ka hadlay qorshihiisa 5 sano ee soo socota

Duqa degmada Boosaaso ee dhawaan la doortay ayaa markii ugu horeysay ka hadlay qorshiisa ku aadan magaalada uu duqa u noqday iyo sida ay hada wax ugu socdaan, Isgoo wareysigii u horeeyey siiyey laanta afka Soomaaliga ee BBC-da,
Inj. Yaasin Mire ayaa sheegay in wax walba ay sidii loo rabay u socdaan isguna uu halkaas ka siiwadi doono hormarka magaalada ay ku tilaabsatay 17-kii sano ee uu shaqeynayey maamulka magaalada, Kaas oo la kowsaday aasaaskii Buntilaan ee sanadkii 1998. Markaas oo duqii u horeeyey loo magacaabay degmada Bosaso.
“Waa magaalo  maamul ka soo jiray mudo 17 sano ah, Maayaro badan baa soo maray. Maayarkastaa waxbuu qabtay mid walba meel buu soo gaarsiiyey. Ayuu yiri Inj. Yaasiin, Isgoo intaa raaciyey “Aniguna meel baan ka bilaabidoonaa, 5 sano ee soo socota waxaan xooga saari doonaa amniga iyo hormarinta kale ee magaalo u baahan tahay.
Duq Mire wuxuu sheegay in uu ganacsatada ku dhiirin doono in ay xeebta dagaan oo ganacsi ka sameeyaan maadaaba magaalo xeebeed tahay Degmada Bosaso.
Mar la weydiiyey howlaha lagu hormarinyo kaabayaasha dhaqaaalaha ee magaalada in uu jiitan ku jiro oo ay gaabis yihiin ayuu ku jawaabay “Ma jiitamayo, Mashaaricda garoonka waa mid si habsami leh u socta, wax yar baana ka harsan INSHAA ALLAAHU tacaala, sanadkan inta uusan dhamaan waa la furi doonaa.
Inj. Yaasin Mire oo si aqlabiyad ah ay u doorteen Golaha deegaan Degmada Bosaso 30 Bishii Sebtembar ee la soo dhaafay, ayaa sidoo kale sheegay in ay u diyaar garoobeen Mashruuca lagu balaarinayo Dekedda magaalada Boosaaso, Oo iyadu ah mid qabyo ah oo dhismeheedu ku soo beegmay xiligii ay sii dhacaysay Dowladdii dhexe ee Soomaaliya ee dhismeheeda bilowday.
Wuxuuna amaan xoogan u soo jeediyey heerka korontada iyo Biyaha magaalada ay marayaan isgoo ku faanay in aysan joogsan biyaha laga isticmaalo magaalada, Inkastp uu farta ku goday korontada magaalada oo qaaliya, Wuxuuse ku cudur daartay in aysan jirin quwad koronta oo si gaar ah u dhalisa korontada. Wuxuuna meesha ka saaray in waqtigan ay jirto baahi loo qabo biyo ama koronto.

BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari 
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain