Duufaanta Elnino oo berito ku wajahan Muqdisho iyo gobolada ku dhow dhow iyo fariimo digniin ah oo soo baxaya

Duufaanta Elnino oo wadata roob xooggan iyo dabeylo ayaa la filayaa inay berito ku dhufato magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka ku dhow dhow kadib markii khuburada saadayaashu labo todobaad kahor shaaciyeen.

Waxaa suuro gal ah inuu hakad ku yimaado adeega bulshada sida, gawaarida u kala goosha gobolada iyo magaalada dhaxdeeda iyo diyaaradaha ka yimaadda gobolada dalka iyo kuwa caalamiga ahba.

Hay'addaha saadaasha hawada ayaa soo saaray digniino ku wajahan dadku inay taxadar dheeraad ah ku jiraan inta lagu guda jiro xaaladaha duufaanta oo laga yaabaa inay keeni karto khasaare ka dhalan kara fatahaadaha wabiyada iyo daadad xoogan.

Hay'adda faoswalim ayaa sheegtay duufaanta Elnino inay saamayn ku yeelan karto 900.000 oo ah dadka ku nool wabiyada, waxayna sheegtay in loo baahan yahay in caalamku gurmad u diyaariyo dadka ku waxyeelobaya duufaanta.

1997 ilaa 98 ayaa la sheegay in Elnino ay soomaaliya ay Saameyn adag ku yeelatay kadib roobaba daadd wata oo ka da’ay meelo badan oo katirsan dalka kuwaas oo lasheegay inay waxyeelo u geesteen dad kabadan sagaal boqol oo kun oo qof halka 2006 ilaa 2007 ay saameysay afar boqol iyo afartan kun oo ruux halka sanadkan la leeyahay waa ay ka badan karta tirada intii hore.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
email:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain