Go’aamo Laga soo Saaray Shirkii Midnimada iyo aayaha Gobolka Gardafuu iyo Baaq Nabadeed

Go’aamo Laga soo Saaray Shirkii Midnimada iyo aayaha Gobolka Gardafuu iyo Baaq Nabadeed
Shir ay isugu yimaadeen waxgaradka cuqaasha iyo nabadoonada dalka gudahiisa iyo dibadiisaba joogga ee Degmooyinka Caluula Bareeda iyo Murcanyo oo uu gogol dhigay Beeldajaha Calbari Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin oo markay Taariikhdu ahayd 29/9/2015 uga furmay Degmada Caluula oo laga tashanaayay Ayaaha Gobolka Gardafuu iyo Midaynta iyo Xalinta Khilaafaadka Yaryar ee beelaha Deegaanadaas ayaa maanta la soo gabagabeeyay, waxaana laga soo saaray go’aamo ka kooban dhowr qodob.

Wadatashi qaatay waqti dheer ka dib waxay dhammaan Guurtidii ka soo qayb gashay shirkan ay si buuxda isugu raaceen qodobada soo socda:

1- Nabadgalyada Shacabka iyo midnimada Puntland waa Muqadas
2- Nabadgalyada Shacabka iyo Midnimada Gobolka Gardafuu waa Muqadas
3. waxaan mar labaad baaq u diraynaa beelaha walalaha ah ee ku
dagaalamay deegaanada qoriley iyo cagaarane inay dagaalka Shuruud
la’aan ku joojiyaan.
4. waxaan ugu baaqaynaa Dawlada Puntland inay xil gaar ah iska saarto
Hay’adaha kala duwan iyo Gobolka
5. Guurtidu waxay isku waafaqeen inay mamnuuc tahay :


b- jarida dhirta qoyan
t- xasuuqa ugaarta iyo shinnida
j-xaalufka Badda ( Kaluumaysiga sharci darada ah )

6. Guurtidu waxay isku waafaqeen in Doonyahaya Shisheeye ee
kallumaysiga ee laysinka haysta inaanay soo dhaafi karin 15 mayl
7. dhamaan waxaa loogu baaqaayaa hay’adaha iyo wasaaradaha Gobolka u
qoran in ay ugu danbayn 30/10/2015 xafiisyadooda ku furtaan oo
gobolka ka howl bilaabaan , ciddii ka gaabisana arinkaas waxaan ka gudbinaynaa dacwad ka dhan ah.

8. waxaan u soo jeedinaynaa qurba-joogta kasoo jeeda Gobolka inay ka soo qayb qaataan Dhismaha, Horumarinta iyo kicinta Gobolka meel kasta
ay Dunida ka joogaan.


Nabadoonada ku saxiixan war murtiyeedka ka soo baxay shirka:

1. Nabadoon Maxmed Axmed Yuusuf
2. Nabadoon Aadan siciid maxamed (Xayle)
3. Nabadoon maxamuud cali maxamed
4. Nabadoon siciid maxamed C/kariin
5. Nabadoon Nuur cismaan Togox
6. Nabadoon Axmed ismaaciil Barre ( Aw koombe)
7. Nabadoon maxamed yaasiin sagaar
8. Nabadoon saalim Maxamed Yuusuf
9. Nabadoon maxamud Jamac Xuseen (shibile)
10. Nabadoon siciid maxamed ifiye
11. Nabadoon saalax maxamed dacar
12. Nabadoon maxamuud maxamed yuusuf
13. Nabadoon yuusuf faarax Yuusuf
14. Nabadoon faarax xasan yuusuf
15. Nabadoon maxamed maxamuud cumar
16. Nabadoon C/qaadir cabaas Cabdalle
17. Nabadoon Abshir Hiirad Siciid
18. Nabadoon Maxamed siciid maxamuud
19. Nabadoon Ducaale samatar Ducaale
20. Nabadoon Axmed maxamuud Cumar (Shanaawi)
21. Nabadoon Maxamed yuusuf Cali

BAARGAAL.NET
ISha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Email:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain