Idaacad Cusub Baargaal FM oo Hawada Dhawaan Soo Gali Doonta

Idaacad Cusub Baargaal FM oo Hawada Dhawaan Soo Gali Doonta

Waxaa loogu bishaareynayaa Bulshada Gobolka Gardafuu in Degmada Baargaal la keenay Qalbkii Idaacada Cusub Baargaal Fm oo la rajaynaayo ilaahay idinkiis in hawada si toos ah loo soo galiyo Maalmaha Soo socda 

Idaacadan cusub oo ay wasaarada Warfaafinta ee Dawlada Puntland ka hirgalinayso Deegaanka ayaa lagu wadaa in ay wax weyn ka qabato baahida dadka ay u qabeen Media-ha oo Deegaanada Bariga Fog Fog iyo Gobolka Gardafuu ay si weyn uga liiteen.

Deegaanada Bariga Fog Fog ee Puntland ayaa waxay kamid ahaayeen goobaha sida weyn dhanka horumarka uga liita isla Markaasina17-kii sano ee la soo dhaafay aan helin wax horumar ah dhan kasta ay ahaataba.

Idaacadan Cusub ee la keenay Degmada Baargaal ayaa waxaa door wayn ka qaatay hirgalinteeda goortii uu arkay baahida warbaahineed ee Deegaanka ka jirta Wasiirkii Hore ee wasaarada Warfaafinta Puntland C/wali Xirsi Cabdulle Indha guran sidoo kale waxaa Door muhiim ah ka qaatay suldaan Maxamed Maxamuud Saalax (Abuu Baraa) oo ka mid ah waxgaradka Gobolka Gardafuu.

idaacadan cusub ayaa noqonaysa Idaacadii ugu Horaysay ee laga hirgaliyo Deegaanka ayadoo ay dadku xiisa gaar ah u qabaan waxaana la rajaynayaa inay idaacada cusub door wayn ka qaadato wacyigalinta bulshada iyo Horumarka Deegaanka.

BAARGAAL.NET
ISha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain