Madaxweynaha Dowladda Puntland Oo Magacaabay Gudoomiyaha Bangiga Dhexe

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa bangiga dhexe ee dowladda Puntland u magacaabay Mudane Cabdi Ismaaciil Boos wasiirkii hore ee wasaaradda beeraha ee dowladda Puntland.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha dowladda Puntland 29kii bishaan ayaa waxaa lagu sheegay in Mudane Cabdi Ismaaciil Boos uu noqon doono gudoomiyaha bangiga dhexe ee Puntland.

Mudane Cabdi Ismaaciil Boos ayaa ka mid ahaa wasiiradii ugu horeeyey ee xukuumadda madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, wuxuuna xilkiisii ku waayey isku-shaandhayn uu madaxweyne Gaas sameeyey.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain