Maxaa ka cusub saakay Puntland

Maxaa ka cusub saakay Puntland
Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa saaka Soo gaaray Caasimadda Dowladda Puntland ee Garoowe halkaas oo uu safar shaqo ugaga maqnaa mudooyinkii u dambeeysay.

Waxa uu madaxweynuhu ka qeyb galayaa saaka Furitaanka kalfadhiga 36aad ee Baarlamanka Puntland oo maanta ku beegan, waxaana uu xidlhibaanada ka hor jeedin doonaa khudbad taas oo uu ugu talagalay in uu ku furo Kalfadhiga Baarlamanka.

Baarlamaanka Puntland ayaa kalfadhigan Ajandayaal waawayn keeni doona oo in badan la hadal hayey sida mushahar La'aanta Ciidanka , Musuqmaasuqa hay'adaha Dawlada iyo gaabiska Xukuumada C/wali Gaas ay ka gaabisay ballan qaadyadeedii waxqabad.

sidoo kale Waxaa baarlamaanka laga filayaa in ay dib u eegis ku sameeyaan Go’aankii uu baarlamaanku ka gaaray dowladda federaalka oo ay xeerar iyo guddiyo ka sameeyeen khilaafyadii soo noq noqan jiray ee u dhaxeeyey dowladda federaalka iyo Puntland.

Qorshayaasha Baarlamaanka ee Kalfadhigan ayaa waxaa ka mid ah la xisaabtan Xukuumada iyo hay’adaha Dowliga iyo kuwa Caalamigaa, Ka doodista iyo ansixinta xeerarka ay xukuumadda u soo gudbinayso baarlamaanka iyo xisaab xirka miisaaniyada dowladda.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain