Mucjiso Caafimaad: ilmo Yar Oo Dib Loogu Dhejiyey Madaxa Oo Kaga Go’ay Shil Gaari

Tallaabo u qaadan waa ku noqotay xitaa khubaradii caafimaad ee fulisay ayaa noqotay markii dhowaan koox dhakhaatiir qalniin ahi ay ku guulaysteen in ay madaxa dib ugu dhejiyaan ilmo 16 bilood jiray oo madaxu uu kaga go’ay shil baabuur.

Wiilkan yar oo magaciisu yahay Jackson Taylor waxa uu la socday hooyadii iyo walaashii oo iyadu sagaal sano jir ah, waxa aanay ku safrayeen gaadhi qoys, laakiin gaadhigooda oo ku socday xawaare ah 70 Kilomitir saacaddii ayaa ay isku dhaceen gaari kale.

warkan oo lagu daabacay shabakadda Digital Journal ayaa lagu sheegay in awooddii isku dhaca labadan baabuur ay sababtay in ilmahan yar ay si dhamaystiran u kala go’aan madaxiisa iyo jirkiisa intiisa kale. Laakiin nasiibwanaag, koox dhakhaatiir ah oo si dhaqso ah ugu soo gurmatay shilkan ayaa qalniin ay lix saacadood oo is-xiga ku jireen kadib ku guulaystay in ay madaxa ilmahan yar dib ugu celiyaan halkiisa.

Kooxda dhakhaatiirta ah ee qalniinkan ku guulaysatay waxaa hoggaaminayey Dr. Geoff Askin oo ku xeeldheer qalniinnada, laf-dbabarka, isaga iyo kooxdiisuna waxa ay ku guulaysteen in ay madaxa dib ugu xiriiriyaan jirka ilmahan yar intiisa kale iyaga oo adeegsanaya xasowo yaryar (Waayirro) iyo qayb yar oo ka mid ah feer ay ilmahan yar kala soo baxeen.

Dr. Geoff ayaa sheegay in dhaawaca ilmahan yar soo gaaray uu ahaa kii ugu xumaa ee noociisa ah ee uu abid arkay. Shilkan iyo daweyntan mucjisada ahi waxa uu dhacay magaalada Brisbane oo xarun u ah gobolka Queensland ee dalka Australia.

BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari 
email:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain