Noocyada Kala duwan ee Xoolaha aan islahayn ee laysku rimiyo (Hybridization) ... Xagee maraayaa aduunka?

Noocyada Kala duwan ee Xoolaha aan islahayn ee laysku rimiyo (Hybridization) ... Xagee maraayaa aduunka?
Tan iyo waqti hore aadanaha ku nool dunida ayaa jacayl xoog leh u qaaday isku darka u dhexeeya noocyada kala duwan ee xoolaha (Hybridization) waxaan horay loogu arkay ilbaxnimadii giriiga Faras baalal leh oo ay ku magacaabi jireen (bigasos) iyadoo sidoo kale xadaaradii faraacinta laga helay (abul hool) oo ahaa libaax madax biniaadam leh , sidoo kale (gryphon) oo xadaaradihii Baabiliyiinta iyo faarisiyiinta kaas oo ahaa gorgor qaybtiisa kale libaax tahay 

Marka lagayimaado sheekooyinkaas oo khuraafaad ah oo aan dhab ahayn , waxaa hada jira oo aan dad badani ogayn inaan jiraan daraasiin xoolo ah oo laysku guuriyay (Hybridization) , qaar ka mid ah xayawaanadaas oo ku yimi si dabiici ah iyo qaar ay ku jirtay faragalin Bini aadan

Halkan waxaan ku soo bandhigi Doonaa tusaalooyin isu guurintaas noocyada kala duwan ee xayawaanka kamid ah iyo natiijooyin la yaab leh oo ka dhashay isu guurintaas lasoco mar walba waxbaan ku soo dari doonaa haduu eebe yiraahdo  :


1. Liger:

Waxaa meel sare kaga jira xoolaha laysu guuriyo (hybrid )xayawaanka loo baxshay (liger), kaas oo ka dhashay isu guurin libaax lab ah iyo shabeel dhidig ah

Miisaanka xayawaankan ayaa gaaraaya ilaa 440 kg, taasoo ka dhigan in uu ka miisaan wayn yahay labada uu ka dhashay ee libaaxa iyo shabeelka


Waxaa jiray isku dayo badan oo la rabay in lagu ogaado halka uu ka yimid isbedelkaas , dhererka xayawaanka ayaa gaara ilaa 10 mitir hadii uu si buuxda ugu istaago lugishiisa

Laakiin liger ma aha nooca kaliya ee ay sameysay rimay noocan ah laakin markii laysu geeyay libaax dhidig ah iyo shabeel lab ah waxaa soo baxay xayaan cusub oo ka duwan kii hore dhinaca miisanka iyo sifooyinkaba oo loo baxshay Tigon)



2. Beefalo:



xayawaankan ayaa ka dhashay isku dar ( Lo')sac iyo dibi ( lo' Geesood) waxayna markii ugu horaysa lagu arkay deegaanadii uu guumaysan jiray ingiriisku ee North America sanadkii 1974

Xayawaankan Cusub ayaa hilibkiisa guduudan wuxaa ku yar  baruurta (cholesterol iyo) sidoo kale waxay leeyihiin dhadhan ka fiican kan hilibka lo'da.



3.Cama:


Natiijada hybridization u dhexeeya lab geel (Rati) iyo dhaddig garanuug waana isugayn aan dabiici ahayn , asagoo uu xayawaankaasi  dhashay 14 January 1998 gudaha xarunta dhalmada geela ee Dubai  (  Camel Reproduction Centre in Dubai)

Ujeedada ka danbaysay isu gaynta labadan xayawaan ayaa ahayd sidii loo heli lahaa wax la xoog iyo xajmi ah geela , lehna iwaxsoo saar badan oo dhinaca suufka ah 

xayawaanka dhashay ee cama aya ah xayawaan quuta dhirta oo dhan  sida geela asagoo sidoo kale cabbi kara biyo badan kaydsan karana waqtiyo dheer 



La soco warbixintu oo lagu soo dari doono xayawaano kale oo badan 

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka Horumarka Deegaanada CAlbari
email:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain