Daawo: salaadiinta Nabadoonada iyo maamulka gobolka Sanaag oo tacsi Tiiraanyo leh u diray allaha u Naxariistee Marxuum SULDAAN SICIID CALI MAXAMED AADAN oo Aas qaran loogu dhigay Magaalada hargeysa

salaadiinta nabadoonada iyo maamulka gobolka Sanaag oo tacsi u diray allaha u Naxariistee Marxuum SULDAAN SICIID CALI MAXAMED AADAN oo Aas qaran loogu dhigay Magaalada hargeysa
Masuuliyiinta maamulka Gobolka iyo Degmada Boqorada salaadiinta cuqaasha iyo haldoorka gobolka Sanaag ayaa tacsi Tiiraanyo leh u diray eheladii iyo qaraabadii iyo guud ahaan shacabka Gobolka Sanaag ee uu ka baxay Marxuum Suldaan Saciid Cali Maxamed oo ku geeriyooday magaalada madaxda somaliland ee hargaysa.

Dhamaan Dadkii halkaas ka hadlay ay marxuumka ku sifeeyeen adoon wanaagsan oo taariikh wayn ku lahaa Gobolka Sanaag iyagoo marxuumkan  ilaahay uga baryay inuu jannatal firdawsa ka waraabiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir  iyo iimaan ka siiyo.

Marxuum Suldaan Siciid Cali maxamed ayaa shalay aas qaran loogu sameeyay magaalada madaxda somaliland ee hargaysa

suldaan Siciid Cali Maxamed allaha u naxariistee  ayaa kamid  ahaa ragii caanka ku ahaa taariikh wayna  ku lahaa Nabada iyo Midnimada Bulshada Gobolka Sanaag 


Developed by Jago Desain