SAWIIRO: Wasiirka waxbarashada Puntland oo dhagax dhigay Mashruuca Quudinta Ardayda

SAWIIRO: Wasiirka waxbarashada Puntland oo dhagax dhigay Mashruuca Quudinta Ardayda
Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland Abshir Yuusuf Ciise ayaa booqday qaar ka mida Dugsiyada waxbarashada Garoowe oo uu qaarkood ka soo dhagax dhigay Mashruuca Quudinta Ardayda Dhigatada Dugsiyada Hoose/Dhexe oo loogu tala galay in waxna la baro Cuntana lagu siiyo goobta.
Wasaaradda Waxbarashada Puntland waxaa ka caawinaya mashruucaan oo  maalgalinayso hay’adda WFP iyo hay’adda Mercycorpswaxaana laga hirgelin doonaa Dugsiyadaa kala ah, Nawaawi, Sheerbi, Kobdhexaad, Xarfo, Widhwidh, Carooley iyo Siinaay.
Wasiirka ayaa Mashuurcan ka soo dhagax dhigay Iskuulka Nawaawi Garoowe oo mashruucan ugu horayn ka faa’iideysanaya, Wasiirku wuxuu kormeeray fasalada Iskuulka heerarkooda kala duwan sida Hoose/Dhexe iyo Sare wuxuu kala hadlay hormarka waxbarashada ay leedahay isagoo ku dhiirigeliyey ardayda in ay sii wadaan waxbarashada.
Sawirro.
Developed by Jago Desain