Sheekadii Drs. IFTIN Gabadhii Caqliga Badnayd Qaybtii3-aad iyo Qoraa C/rashiid Xaashi Carab

waxa soo ogataa in magaca dukaanka uuyahay nasiibka aad dukaamada dheyrtay waana magacaygii marka waxa layiri : magac meel la aan mabaxo.

ee sidaas baan kuugu sheeegayay barasho wanaagsan qorax oo aan daneyn waxaan horamarka dukaankiisa aan aheyn baa hoos u yiri: waa maxay masaa ibtani.

maalmo ka dibna isla xiligii oo kale isagoo oo dukanka xiraya bay usoo gashay waxayna ku tiri : walaal waa iftine wax iga iibi isaga oo xanaaqsan buu ku yiri naa iftin leyne barashadu qasab maahee iisheeg waxad dooneyso,

iyada oo afka maroorinaysa xanaaqna iska doondooneysa bay ku tiri : war wax yohuw reer badiyaha ahi barashadaada cidna uma baahnee hanala qabsan markii ay ka tagtay ayuu aad iyo aad ugu mashquulay ujeedada gabadhani halka ay salka kuhayso wuxuuse go aan saday haduu markale arko inuu yiraahdo naa waxba hanaga iibsane dukaamadu way badan yihiine amaanka iigidadaal maalin dambe ayay dukaanka oo dad badani wax ka iibsanayaan in tay soo gashay, bay tiri: iyadoo qaylinaysa war wax naga iibi ladnaashaha kaga daraye hadii uu fiiriyayba waa tii maalmahanba uu ahbinayay. hase yeeshee hadalkeeda waxba kama soo qadin oo wuxuu is yiri : yaan leydin maqlin oo aan loo maleyn inaad sheykeysataan sidaas suuna waxay rabtay kusiiyay intaas kabacdi ayay iftin ufekertay talo kale oo gacanteeda ugu soo galilahaa waxa layiri : sir dumar lama salgaro ee waxay bilowday inay xiriirkasa meysato xafadiisa.

waxayna baratay walashii oo qariib magaalada ku aheyd waxayna bilowday inay maalin maalmaha ka mid ah u keento garan, macawis, nigis,iyo shukumaan cusub waxayna ku tiri : sii walale waxa kutiraahdaa waxaa kuu keyntey iftin marki uu qadadii yimina wey u dhiibtay oo waxay tiri : walaal waa hadyad ay kuu keyntay gabadh layidhaahdo iftin

wana uu yaabay wuxuuna xusuustay inay tahay tii dukaanka uu amaanka kaga waayay hase yeeshee wuu iska qaatay maalintii dambena wey utimi iyadoo uwada caruurta alaabo macmacaan ah iyo waxay kuciyaaraan waxayna sheeko xiriidr ah lasameeysay xafadiisii. waxayna waxbartay caruurtii iyo nasra ruuxadeeda waxayna kuwaanisaa inay walaal keyd inay aad udhaqalayso mararka qarkoodna waxay ladiyaarisaa cunadiisa iyo dhaqida dharkiisa iyo kawidaynta waxayna ku beertay jaceyl badan oo ay qabaan caruurta, odayga, iyo ehelkiisa intii ay ku kulmaan xaafada oo ay caada kadhigatay waqtiga biririfta dugsiya waxayna aad isaga ilaalisay inaanay qoraxay marna ku kulmin guriga nasiib wanaag maalin maalmaha ka mid ah ayaa nasro waxay weydiisay su aal wallaalked waxay kutiri :

horta iftin maxaynu isu nahay. isaga oo aad ula yaban siday caruurtu ujeceshahay baa ku yiri: waa ina abtideen malin dambena tagidid baa nasra ku yiri : aabo gabadhan aad u fiican ee hooyadoo kale idiin noqotay waa ina ayo nasra oo magaceyda uun taqaan baa kutiri : waa ina abtiteyo odaygu wuxuu ufekeray isla markiiba in abti yaashood wehel ahaan ugu soo direen intaas kabacdina odaygii markuu arkay gabdha wanaageeda ayuu bilabay inuu wiilkiisa ku waaniyo inuu guursado wuxuna ku yiri:

aabo waad nasiib badan tahaye gabadhan ina abtitaa ah aan kuu doono waa gabar aad u qaali ah waxa layiri : ileyn rag meel uu marayaba waa sahane. hadii uu dhowjeer ku dhiiriyay abihii oo u haysta in xiriir kadhexeeyo baa waxa isa soo taray kal gaceelka uu uhayo ee ka abuurmay amaanta qoyskiisa waxana ku talaalmay jeceyl ka bedelay fekirkii ceyrinta ahaa iyo naceeybka ee u arkayay qasabka.

hase yeeshee, intaas kabacdi markii ay iftin ogaatay in aragtidii qoraxay wax kabadashey nasro iyo walaalihiisa yaryar iyadoo si oo doqon magaratay ah ay sirta uga heshey sheegata nasra iyo iyada dhexmartay.


waxaa nasiib wanaag soo dhamaatay waxbarashadii caafimaadka ee iftin ay dhiganaysay hadii ay intixaankii kama dambeesta ahaa ay ku baastay, waxaa loo sheygay in dhamaan ardeyda qalin jabisay loo sameynayo baqtiyaa nasiib oo inta qof walba magaciisa xaashi yar logu qoro lagu ridayo baaldi weyn kadibna meeshii usoo baxda uu ushaqo tagayo. hadaba markii ay saa maqashay bay waxay ku tiri: walidkeed ii duceeya waxan aad ujeclahay in nasiibkeygo noqdo magaladan aynu daganahaye weyna uduceeyeen iyaga oo alle kabaryaya in aan gabadhooda loo kala kaxeyn.

malin dambena waxay soomartay qorax oo goor galab ah dukaanka hortiisa kursi kufadhiya oo intuu ku daalay shaqadii taagnida badneyd ee iibka dukaanka xoogaa nasanaya. nasiibna uu iibinaya dukaanka kuna jiro gudihiisa, iftin baa intay si kadis ah u salantay ku tiri: walaal ii waran adoo fadhiya laguma arki jirine miyaad xanunsanaysaa intuu kor u eegay buu ku yiri : maya ee tumaad aheyd ileyn mudo badan waxay ku maqneyd iska dhadhicinta qaraabadiisa oo isma ay arage. intay qososhay bay ku tiri : waxan ahay nasra saxiibtayd, wuu fahmay wuxuu ku yiri: sidegan iftin ii waran. markaasay ku tiri: walaal waan fiicnahaye waxan kaa rabay inad ii ducaysid waxa tahay nin dhalin yara ah oo aad u dhowrsoone waxan galaya baqtiyaa nasiib waxa ii dhamatay wax barashadii waxana alle kabaryayaa in magaladayda la iidayee aabiyo hooyana wey ii soo duceyeen.

qorax baa ku yiri : aniguna waan kuu duceynayaa alle hakugu guuleyo sabab too ah waxaad macalimad u noqotay nasra iyo wiilashii yar yaraa waxaa kaloo aad kugu duceeya abahaya intaas kabacdina wey dhaqaqday intay tiri : waad mahad santahay

nasiib wanaag maalma kadibna waxay heshey cusbitaalka dhexe ee magaaladeeda. iyadoo faraxsana waxay timi gurigoodii. malintii dambena waxay laqadeysay nasra iyo caruurtii waxana ugu yimi qorax oo ay tahay malintii u horeysay oo ay ku kulmaan iyadoo faraxsan bayna ku tiri: alla soo ma ogid in ducadiinii lay aqbalay oo aan noqday qoftii ugu nasiib badneyd oo hesha gurigeedii nasra oo qosleysa baa tiri : waxa tahay qof bashaashad ah oo qalbi fiican marka ilaah waa ku kalmeynayaa wayo qof kastoo ku bartaa kaama xiiso jebayo.

qorax oo kaftamaya baa ku yiri: waxaan layaa banahay sida aad reerkan kalgaceylka kuugu qabaan iyo sida aad u kasbatay waxa tahay gabar caqli badan.

nasra ayaa tiri : waa runtaa waxaan umaleynayaa inaytahay khadar la inoo soo diray waxana tihiin labo qof oo hadii calaf isku yeeshan wax badan oo lago aayayo. waxayna bilawday inay isku shukaamiso. kaftan badan iyo shekooyin googoos ah ka dibna waxa shaqadiisii aaday qorax. iftin oo iyadana xafadeedii aday baa jidka intii ay sii socotay bilowday isla hadal nafteyda ah waxayna islaheyd aleyliyo aley leh waxan ku gulestay inan gacanta ku qabto qorax. waa inan aad ufiican dhowrsona dantiisana yaqana hadii aan nolosha wadagnana aan noqon karno qoys heer sare ah bulshadana kasoo caan baxa.


mudu yar ka bacdina hadii ay u shaqa tagtagna cusbitaalkii nasiib wanaag waxa loodhibay farmishigii dawada oo ah meel fiican waxaa kaloo magaladii noqotay mid lagu soo guurayo oo nasiib wanaag waxa durbadiiba qaali noqday boosaskii abeheyd oo ku yalay faras magalaha. waxana qoyskii iftin heleyn dhaqaale degdeg ah waxana usuurtagashay mudo yar ka bacdi iney iibsato babuur xarago {karasiida} ah




La soco Qaybta Danbe 

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari
email:Baargaal@gmail.com

Developed by Jago Desain