Shirkada Microsoft oo si rasmi ah ugu dhawaaqday Labada Taleefan ee casriga ah ee Cusub Lumia 950 iyo Lumia 950 XL

Shirkada Microsoft oo si rasmi ah ugu dhawaaqday Labada Taleefan ee casriga ah ee Cusub Lumia 950 iyo Lumia 950 XL
Sida la Filaayay  Shirkada Microsoft ayaa maanta si rasmi ah u soo bandhigay labadeeda Taleefan ee Cusub ee casriga ah Lumia  950 iyo Lumia 950 XL shir hadda shirkada uga socda  caasimada dhaqaalaha Dalka Mareykanka  ee New York.

Hadii la eego Naqshada Labada Taleefan ee Lumia 950 oo Lumia 950 XL waxay ku yimaadaan design ay sanadihii la soo dhaafay shirkada microsoft adeegsanaysay ayadoo laga saaray badhanadii hoose oo lagu baday kuwo (Virtual ah ) sidoo kale  Shirkada  Microsoft ayaa Badhanadii oo dhan dhigtay dhinaca midig ee telefoonada oo ay ku jiraan badhamada audio kan laga daaro  iyo sidoo kale button-ka  kaamirada .

Intaa waxaa dheer, Shirkada Microsoft ayaa mar kale adeegsatay maadada polycarbonate halkii aluminium ama macdanaha ay isticmaali lahayd. 

Marka laga tago naqshadda,  Shirkada Microsoft ayaa siisay labada telefoonada Lumia 950 iyo Lumia XL 950 technologiyad sare taas oo ka dhigaysa labadan taleefan taleefanada ugu horumarsan aduunka dhinaca farsamada.

Sida laga soo xigtay Microsoft, wuxuu leeyahay  taleefanka  Lumia 950  shaashadd 5.2-inji ah processor Snapdragon 808, xusuustiisu tahay  3GB, xasuustiisa dibaduna twaxay dhan tahay  32GB lagu kordhin karo via MicroSD , camera hore oo  5 megapixels iyo 20 megapixels kaamera danbe ah oo taageerta technologyada  PureView ,awoodda batarigiisuna waa  3000mAh. 

shirkada Microsoft ayaa Sheegtay in labada telefoon  Lumia 950 iyo Lumia 950 XL ay awooda Kombuyuutarka kuu soo galinaayaan jeebka  haddii aad  ku xirtid  monitor mouse  iyo keyboard.

Ugu dambeyntii, Microsoft ayaa ku dhawaaqday in taleefanka  Lumia 950 qiimaha lagu bilaabayo Maraykanka uu ku kici doona $ 549, halka telefoonka kale ee  Lumia 950 XL uu ku kici doona , laga bilaabo US $ 649 , iyadoo labada telefoonba diyaar u noqon doonaan iibsiga bisha November.

Halkan Ka daawo Muuqaal xayaysiin ah 



SHABAKADA BAARGAAL.NET
Baargaaltech 
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain