tababar 3 bari soconayay oo ku saabsan Qalabka gabaadka kalluumaysiga oo u soo xirmay iskaashatooyinka kalluumaysiga

tababar 3 bari soconayay oo ku saabsan Qalabka gabaadka kalluumaysiga oo u soo xirmay iskaashatooyinka kalluumaysiga
tababar soconaayay 3 bari ayaa usoo xirmay iskaashatooyinka kalluumaysiga tababarkaas oo qabashadiisa ay iska Kaashadeen wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Puntland iyo hay'adda FAO.

Tababarkaas oo kalluumaysatada lagu barayay isticmaalka iyo faa'idooyinka qalabka gabaadka kalluumaysiga ama jasiiradaha macmilka ah

Qalabkaan ayaa waxaa laga hir galinayaa soomaaliya qalabkaas oo ka kooban 25 xabo oo 16 ka mid ah laga hirgalinayo baddaha puntland oo ah Badda ugu dherer iyo uguna khayraad badan soomaaliya .
Qalabkaan ayaa waxaa isugu imaanaya ilaa iyo 330 nooc oo kala duwan oo kalluun ah , wuxuuna ka caawinayaa kalluumaysatada in ay sifudud oo aan kharash badni ku bixin usoo kalluumaystaan iyaga oo yaqaana goobta ay ka helayaan kalluunka .

Qalabkaan waxa kaliya oo loo ogolyahay in laga kaluumeysto Noocyadan soo soo socda ee kala ah :

shayaad ,saabi,canqar dejis ah iyo canqar saabi ah oo si guud leysku yiraahdo Idaad ama makaalin ah qaabka jilaabta .jilaabta .







SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari
Email:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain