Warar dheeraad ah oo kasoo baxaayo shirkii wadatashiga ee maanta ka furmay Magaalada Muqdisho

Warar dheeraad ah oo kasoo baxaayo shirkii wadatashiga ee maanta ka furmay Magaalada Muqdisho
Iyadoo uu maanta magaalada Muqdisho ka furmay shirkii wadatashiga ayaa waxaa rajo laga muujiyay natiijooyinka kasoo bixi kara shirkaasi.

Shirkaani maanta ka furmay magaalada muqdisho ayaa inbadan ka duwanaa shirarkii horay uga dhici jiray magaalo madaxda somalia ee Muqdisho, waxa ayna dhamaan madaxdu ahaayen kuwo uu aad isugu dhawaa fakirkooda, taasi oo rajo u noqotay natiijooyinka kasoo bixi doona shirka.

Madaxweyne Xasan sheekh maxamuud oo khudbad ka jeediyay shirka kana hadlay qorshooyinka horyaala Dowladiisa iyo sida ay u wajihi doonaan nidaamyada loo mari doono doorashada ayaa sheegay in dowladu aysan qaadi doonin talaabooyin aan lala ogeyn waxa uuna tilmaamay in marka hore loo baahan yahay in Soomaalidu ay muujiyaan isku tanaasul iyo is adeecid si looga gudbo marxaladaha hadda lagu jiro.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa xusay in sedexdii sano ee la soo dhaafay Dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay dhisida maamul goboleedyo oo uu sheegay in madashani qeyb ka yihiin islamarkaana ay matalaan Umadda Soomaaliyeed,kuwa dhimana dhawaan ay rajeynayaan in ay ku guuleystaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo sii hadlay ayaa sheegay in howlaha hiigsiga 2016-ka ay barbar socotay arrimo badan oo ay ka mid tahay dib u hesiishiin iyo ka shaqeynta amniga iyo sidii adeegyada muhiimka ah loo gaarsiin lahaa bulshada.

Sidoo kale Madaxweynaha waxa uu xusay in horumar laga gaaray dib u eegista Dastuurka Federaalka ah oo howshiisa ay socoto, iyadana howshiisa si lixaad leh ayeey u socoto, goor dhawna golaha shacabka iyo dadweynaha billaabi doonaan doodo dib loogu eegayo qeybaha kala duwan ee Dastuurka.

Isagoo tilmaamay in ay wada dhisan yihiin hay’adihii inoo wada fulin lahaa howlaha dib u eegista Dastuurka, ee uu tilmaamayay Dastuurkeenii KMG ee maanta jira, waxa noo dhiman waxay tahay inaan boorka ka qaadno dibna u xaab xaabinno si aan u helno Dastuur dib loo eegay, dadka Soomaaliyeedna danahooda u taagan oo u adeegaya, dhawaan waxaan rajeyneynaa arrintaan in meel fiican oo gunaanad ah soo gaari doonto.

Madaxda Maamulada ayaa iyaguna muujinaayay dhiirnaan ka duwan kuwii hore waxa ayna u muuqaal ekaayen inay la dhacsan yihiin khudbadii Madaxweyne Xassan.

Hogaamiyayaasha Maamulada ayaa iyagu ahaa kuwo ka cabanaayay kaliya in la saxo qodobada Dastuurka iyo sharciyada kale ee dalka lagu hagaayo, waxaana xusid mudan in Maamulka Puntland uu ka dhabaajiyay in marka hore laga gudbo qaladaadka dastuurka.

Ugu danbeyntii Madaxweyne Xassan iyo Madaxda kale ee Dowlada ayaa shirkaani u arka inuu yahay mid looga gudbi doono caqabadaha hadda taagan laguna gaari doono doorasho xor ah.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Deegaanada calbari
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain