Xubnaha guddiga joogtada ah ee golaha deegaanka degmada Bosaso oo la doortay

Xildhibanaada golaha deegaanka degmada Bosaso oo maanta isugu yimid kulan ayaa waxa ay doorteen xubnaha guddiga joogta ah ee golaha deegaanada degmada.

Doorashada ayaa waxa ay ahayd mid gacan taag ah, waxaana goob joog ka ahaa gudoomiyaha degmada Bosaso , kuxigeenkiisa iyo gudoomiye ku xigeenka koowaad ee gobalka Bari.

Cod bixinta kadib ayaa waxaa ku soo baxay doorashada 11 xubnood oo ka mid ah 31 xubnood ee golaha deegaanka degmada Bosaso, isla markaana natiijada uu ku dhawaaqay gudoomiyaha degmadaa Bosaso Injineer Yaasiin Mire Maxamuud.

Hoos ka akhriso xubnaha guddiga joogtada ah ee golaha deegaanka Bosaso

1-Maxamad Maxamuud Axmad 27 cod.
2-Cabdinuur Galayr 24 cod.
3-Cali Maxamed Xassan 22 cod.
4-Ikraan Cawil Xuseen 24 cod.
5-kraan Maxamuud Yuusuf 24 cod.
6-Buruuj Cali Salaad 24 cod.
7-Idiris Cabdi Sataar 27 cod.
8-Maxamad Cabaas Nuur 22 cod.
9-Maxamad Maxamuud Saalax 23 cod.
10-Maxamed Maax Colow 23 cod.
11-Siciid Gaachse 24 cod

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain