15 Hay’adood oo u Safray Gobolka Gardafuu,ka dib Duufaanadii CHAPALA iyo MEGH

Hay'addo caalami ah iyo NGO-yo isugu jira Maxali iyo Caalami oo ka jawaabaya baaqii kaso baxay Dawladda Puntland,ayaa gargaar deg deg ah gaasiinaya Gobolka Gardafuu,kuwaas oo maanta ka ambabaxay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Wafdiga ku wajahan Gardafuu ayaa waxaa hogaaminaya Guddoomiyaha Goblka Gardafuu Cabdulqaadir Maxamed Yuusuf iidi, waxayna maanta galinka dambe ay gaari doonaan degmooyinka iyo deegaanada ay Duufaantu ku dhufatay.

Hay'adaha iyo NGO-yada ku wajahan Gobolka Gardafuu ayaa kala ah;-
1-OCHA.
2-Relief.
3-UNHCR.
4-WFP.
5-FOA.
6-UNDP.
7-UINCEF.
8- SAVE THE CHILDREN.
7-NRC.
8-DRC.
9-IRC.
10-HADO.
11-SRCS.
12-TADAMUN.
13-ADESO.
14-Iyo CARE.
Guddoomiyaha Goblka Gardafuu Cabdulqaadir Maxamed Yuusuf oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in Hay'adahan ay ka jawaabayaan baaqii kaso baxay Dawladda Puntland,ayna diyaar u yihiin inay door ka qaataan wax u qabshada dadka ay saamaysay Duufaantu.

Dhanka kale,maalinta bari ayaa Wafdi balaaran oo ka socda Dawladda Puntland ay gaari doona Gobolka Gardafuu,kuwaas oo ay hogaaminayaan Wasiiro ka tirsan Dawladda Puntland.

Dawladda Puntland ayaa ku hawlan sidii wax looga qaban lahaa saamaynta ay gaysteen Duufaanadii CHAPALA iyo MEGH.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain